X
    Categories: Warar

Baarlamaanka Somalia Oo Meelmariyay Heshiis Milateri Oo Dhexmaray Dawlada Talyaaniga Jawaab Kululna Ka Bixiyay Dhawaaqa Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Somalia

Mogadishu(ANN)Baarlamaanka Somalia, ayaa meel mariyay qorshe heshiis dhinaca Milateriga ah oo dhexmaray Dawlada Somalia iyo Dawlada Talyaaniga, kaas oo sheegaya in Dawlada Talyaanigu ka caawinayso Dawlada taagta daran ee Somalia dhinaca Milateriga.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan Jawaari oo guddoominayay kulankaa oo ahaa Kalfadhigii Shanaad oo ka dhacay maanta dhismaha Baarlamaanka, ayaa sheegay in ay kasoo xaadireen 156 Mudane, kuwaas cod loo weydiiyay golaha heshiiskaa oo ay wada saxeexdeen Wasiirada Gaashandhigga ee labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isla markaana ku saabsan Iskaashi dhinac Milatari ah oo dhex mara labada Dowladood.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlaya natiijada codbixinta mudanayaasha ee heshiiska dhinaca Milateriga ee dhexmaray labada dal, wuxuu yidhi, “134 mudane ayaa ogolaatay, meel marinta heshiiskaa, saddex mudane ayaa diiday, waxaana ka aamusay shan mudane. Sidaa ayuuna ku ansaxay, waxaana la ansixiyay heshiiskaa markii ay golaha warbixin la xidhiidha ka dhegeysteen guddiga Difaaca ee Baarlamaanka”

Dhinaca kale Baarlamaanka Somalia, ayaa si kulul u canbaareeyay qoraal Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Key kaga hadlay khilaafka Madaxda Dawlada Somalia ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo raysal Waasaaraha Somali, waxayna ku tilmaameen qoraalkaa mid meel ka dhac ku ah qaranimada iyo madaxbanaanida Somalia.
Qoraalkaa oo sidoo kale ka cadhaysiiyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo xubnaha Baarlamaanka, ayaa u muuqday si cad daaha uga fayday awooda Xafiiska oo meesha ka saaraya jiritaanka Qaranimada Somalia, isagoo taa bedelkeeda u muujiyay meel maxmiyad u ah qaramada midoobay ee Somalia.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post