X
    Categories: Warar

Baarlamaanka Somalia Oo Loo Gudbiyay Mooshin Xilka Lagaga Qaadayo Raysal Wasaaraha Iyo Wakiilka Qaramada Midoobay Oo Dhinac La Saftay

 

Mogadishu(ANN) Gudddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Mudane Jawaari, ayaa loo gudbiyay Mooshin ka dhan ah Raysal Wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed oo la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo. Kadib markii uu sii xoogaystay khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaarihiisa.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in mooshinka lagu caddeeyey eedeymaha ka dhanka ah Raysal Wasaaraha, isla markaana Baarlamaanku waajibkiisa ka qaadan doonaan.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso iyadoo uu jira khilaaf u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Maaha markii u horeysay ee Raysal Waasaraha iyo Madaxweynaha Somalia is khilaafaan tan iyo Dawladii Cabdulaahi Yuusuf ee lagu soo dhisay Nairobi, taas oo sidan oo kale ugu danbayntii khilaaf soo noq noqday galaaftay Madaxweynihii iyo Raysal Wasaarihiisa.

Khilaafka xiligan ee labada masuul ee u sareeya dawlada Somalia, ayaan waxba ka duwanayn khilaafka hore looga bartay Madaxda Somalia, waxaana Raysal Wasaaraha waqtigan ee Cabdiweli Sheekh laga cabsi qabaa in la mariyo wadadii uu maray Raysal Wasaarihii ugu danbeeyay ee ka horeeyay ee Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, kaas oo Baarlamaanku shaqada ka eryey bishii December 2013. Kadib khilaaf loo maara waayay oo dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal wasaarihii ka horeeyay Raysal wasaaraha hadda loo gudbiyay Mooshinka la doonayo in xilka lagaga qaado.

Wakiilka Qaramada midoobay ee Somalia Nickolos Kay, ayaa dhowaan canbaareeyay khilaafka labada nine e u sareeya, wuxuuna ka dalbaday in la joojiyo arrintaa, isagoo sheegay in ay maqalayaan in xubno ka mid ah Baarlamaanka la siinayo lacago laaluush ah si ay Raysal wasaaraha xilka uga qaadaan, balse dhawaaqa Mr. Kay, wax aka cadhooday kooxda taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo u arka inuu hiil u yahay Raysal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post