X
    Categories: Warar

Baarlamaanka Somalia Oo La Xidhay kadib Markii Gamcaha Laysugu Jawaabay Mooshinka Raysal wasaaraha


Mogadishu(ANN)fadhigii Baarlamaanka Somalia oo la filayay in maanta laga soo saaro natiijada Mooshinka sida weyn beesha Caalamku uga hadashay ee la doonayay in xilka lagaga qaado Raysal wasaaraha Somalia, ayaa guuldaraystay kadib markii ay Mudanayaasha fadhiga kasoo xaadiray Gamacaha isula tageen.

Xalay ayuu Xoghayaha Baarlamaanka Somalia shaaciyay in Mudaneyaasha Baarlamaanku ay maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho. Sidaana xalay lagu wargeilayay Mudanayaasha Baarlamaanka, balse fadhigii saaka oo ahaa mid amaankiisa aad loo adkeeyay ayaa lagu kala kacay sida ay sheegayaan warar hordhac ah oo shebekadda Araweelo News Network heshay.

Guddomiyaha baarlamaanka ayaa xidhay fadhiga markii sawaxanka iyo gacan ka hadalka hadheeyay xarunta Baarlamaanka Somalia oo saaka ay si weyn u ilaalinayeen Cidiamada AMISOM.
Wixii kasoo kordha kala soco
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post