X
    Categories: Warar

Baarlamaanka INGIRIISKA oo Amaanay kartida iyo Dedaallada Gabadh Dhalinyaro Ah

Magaca dalka asal ahaan ay ka soo jeedo & dedaalada lagu majeertay.

London(ANN)– Xeerka Caruurta oo Baarlamaanka Ingiriiska ansixiyey ayaa si weyn loogu amaanay kaalinta ay ka qaadatay u ololayntii wax-ka-bedelkiisa gabadh asalkeedu ka soo jeedo Jamhuuriyada Somaliland.

Sida lagu baahiyey mareegta Baarlamaanka Ingiriiska shalay, wax-ka-bedelka Xeerka Caruurta Ingiriiska oo hore loo ansixiyey sannadkii 1989-kii,  oo u ka hadlay Xildhibaan Zac Goldsmith ayaa u sheegay Baarlamaanka Ingiriiska inay sharaf u tahay inuu hadal-qoraalka fadhiga ku daro u mahadcelinaya Nimco Cali, oo si weyn ugu ololaysa joojinta gudniinka gabdhaha, inbadan oo xildhibaanada Ingiriisku aqoon u leeyahiin.

“Waa dadka ugu caansan u ololaynta cidhibtirka Gudniinka Hablaha (FGM) ee Ingiriiska, maalmo horteedna waxay madal dhinac fadhiday  Raysal-wasaaraha Ingiriiska, xaqiiqdii waxay qadiyadan gaadhsiisay wadnaha xukuumada.”

Xildhibaan Goldsmith, oo ka tirsan xisbiga Muxaafidka Ingiriiska ayaa hadalkiisa sii raaciyey,

“ Shaqada  Nimco  & guulaha ay ka gaadhay qadiyadan ayaa dhaafsiisan dalkan. Waxay ku dhiirigelisay saddexdii musharax ee doorashadii madaxtinimada Somaliland 2017 inay ballanqaadaan hirgelinta xeer lagu joojiyo gudniinka hablaha, inbadana waa u xog-ogaal inay ku dhowdahay ku guulaysigiisa.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey,

“Madaxweyne Md Muuse Biixi markii la doortay, wuu ka dhabeeyey ballanqaadkiisii, waxaana xukuumadiisu diyaarisay xeerkii xakamaynta gudniinka gabdhaha.

Xildhibaan Simon Hoare, ayaa sidoo kale amaanay awoodeeda qancinta & u doodisteeda, isagoo yidhi,

“Waan amaanayaa awoodeeda qancinta & u doodista, lagana yaaba in fursad laga siiyo xil siyaasadeed ee baarlamaanka (Whip office), masuul xisbi oo xildhibaanada ku kantaroola u raacitaanka siysaadaha xisbiga  ansixinta xeerarka Baarlamaanka.

Nimco Cali ayaa la filayaa in 26 bisha ay ka hadasho munaasibad shirweynaha  Xuquuqal-insaanka & Dimoqraadiyada oo lagu qaban doono dalka Switzerland, isla markaana lagu gudoonsiiyo abaalmarin caalami ah.

Xusitaanka kaalinta Nimco Cali, oo dhalashada Ingiriiska haysata, balse asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliland ka qaadatay u ololeyntii  xeerka caruurta oo dalka Ingiriisku ku dhaqmi doono, ayaa sidoo kale noqonaya talaabo  magaca dalkeeda Somaliland ku gaadhsay dhegaha muwaadiniinta Ingiriiska iyo guud ahaan dadka Soomaalida ee ku nool Ingiriiska.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post