X
    Categories: Warar

Baanka Dhexe Ee Soomaaliya oo Markale Lacag Laga Xaday

Araweelo News Network

Muqdisho (ANN) Masuuliyiinta hay’adaha garsoorka maamulka Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday in markale Baanka Dhexe ee Soomaaliya laga xaday lacag boqollaal kun oo doollar ah.
Garsoore Mukhtaar Nuur Abuukar oo ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho shalay, ayaa sheegay in lacag dhan $204 kun oo doollar lagala baxay laanta Baanka Dhexe ee Soomaaliya ku leeyahay dekedda weyn ee Xamar.
Garsoore Abuukar waxa uu masuuliyadda xatooyadaas u xambaariyey Agaasimaha Laanta Bangiga ee Dekedda Muqdisho Mr. Cabdi Maxamed Abuukar, kaas oo uu sheegay inay xigto dhow yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Soomaaliya marwo Maryan Macallin oo uu ku eedeeyey in ay ka soo horjeesatay in la xidho sarkaalka lacagta badan lunsaday.
Dhowaan ayey ahayd markii dhac baahsan lagula kacay xarunta Baanka Dhexe ee Soomaaliya oo lagala baxay lacag ka badan nus malyuun dollar.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post