X
    Categories: Warar

Baanka Dhexe Ee Dawlada Kenya Oo Qaaday Xayiraadii Saarnayd Adeegyada Dahabshiil

Nairobi(ANN)Baanka Dhexe ee Kenya (Central Bank of Kenya CBK) waxa uu maanta (shalay) ka qaaday Shirkadda Dahabshiil xayiraaddii saarnayd xafiisyadeeda Kiiniya. Waxaannu ku faraxsanahay xafiisyada shirkadda ee Kenya oo dhan inay hawshoodii si buuxda u gudanayaan wixii ka bilaabma 21 Jun 2015.


Dawladda Kenya waxay hore u laashay ruqsadihii sharci ee ay haysteen dhammaan sharikadaha xawaaladaha ee ka hawlgala Kenya, 7-dii bishii April 2015, balse todobaadkan ayay ka qaaday xayiraadii saarnayd xawaaladdaha Soomalida ee ay ugu weyntahay Shirkadda Dahabshiil.

Dawladda Kenya waxay baadhitaan iyo dib-u-eegis ballaadhan oo dhinac kasta ah ku samaysay hawlaha, hab-dhaqanka, siyaasadda iyo adeegyada shirkadda Dahabshiil ee Kenya dhexdeeda, waxayna ku qanacsan tahay in shirkadda Dahabshiil ay si buuxda u dhawrto sharciga, si adagna ugu dhaqanto xeerarka ka-hortagga isticmaalka iyo rogrogga lacagayowga xaraanta ah ee sharci-darrada ah iyo kuwa ka-hortagga argagixisada iyo maalgelintooda.

Shirkadda Dahabshiil waxay sii wadi doontaa feejignaanta ay u leedahay ku-dhaqanka shuruucda u yaala dalka Kenya.

Maamulaha Guud ee Shirakadda Dahabshiil Mudane Cabdirashiid Dahabshiil oo arrintaa ka hadlay waxa uu yidhi, “Waxannu si weyn ugu faraxsannahay in aannu noqonay shirkaddii ugu horraysay ee xawaaladaha ee dib u heshay ruqsaddeedii Kiiniya dhexdeeda, dibna u furta adeegyadeedii xawaaladda ee Kenya.

Shirkadda Dahabshiil waxay ka hawlgashaa oo adeegyadeedu ay ku baahsan yihiin ilaa 126 dal oo adduunka ka kala tirsan oo ay ku jiraan Kiiniya, Ingiriiska iyo Maraykanku. Waxayna shirkaddu dhawrtaa oo ay ixtiraamtaana sharciyadda iyo xeerarka u kala yaal dalalkaasi, dal kasta goonidiisa. Adeegyadaasi shirkadda Dahabshiil ay u fidiso dadweynuhu waa kuwa muhiim u ah nolosha dadweynahaasi oo ay ku tiirsan yihiin dadka isticmaalaa, si ay u daryeelaan qoysaskooda iyo ehelkooda, uguna diraan kharashyada kaga soo aada waxbarashada carruurta, caafimaadka, nolol-maalmeedka iwm . Waxa kale oo adeegyada xawaaladdu kaalin ku leeyihiin socodsiinta meheradaha oo shaqooyin aan cadad (tiro) lahayn ka abuuraan si toos ah iyo si dadbanba.

“Waxa kale oo aannu ku faraxsananahy in aannu dib u bilawno adeegyadii iyo wadashaqayntii naga dhaxaysay hay’ado iyo ururro baddan oo caalami ah, kuwaasi oo uga faa’iideeya barnaamijyadooda adeegyada shirkadda si ay u socodsiiyaan mashaariic fara badan oo la xidhiidha taakulaynta arrimaha bani’aadminimada iyo barnaamijyada horumarinta.”

Shirkadda Dahabshiil waxay kale oo kaalin weyn oo muddan ka qaadataa kobcinta dhaqaallaha dalka ay ka shaqayso, sida Kenya. Waxa kale oo ay gacan ka geysataa abuurista boqolaal kun oo fursado shaqo ah oo isugu jira shaqaale ay toos u qaadato shirkaddu iyo kuwa shaqooyin ka hela maalgelinta ka imanaysa hantida faraha badan ee xawaaladda la soo mariyo, sidaa awgeedna waxay shirkaddu ka qaybqaadataa yaraynta saboolnimada” ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in shirkadda Dahabshiil kaalin weyn ka qaadato oo ay ka caawiso dadweynaha ama mujtamacyada dalalka ay ka hawlgasho oo Kenya ka mid tahay dhinacyo baddan, iyadoo 10% faa’iidada ay hesho dib ugu celisaa oo ku maalgelisa mashaariicda la xidhiidha daryeelka bani’aadminimo iyo mashaariicda horumarinta dadweynaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin Goobaha dhismayaasha waxbarashadda sida dugsiyada ama Iskuullada, Cusbitaallada, gurmadka xaaladaha degdegga ah, jidadka, Buundooyinka iyo helidda Biyo-nadiif ah oo la cabbo.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post