X
    Categories: Warar

Baanka Adduunka oo Siinaya Somaliland $20 Milyan oo Mashaariic Horumarineed lagaga Fulinayo Hargeysa

Hargeysa (ANN)Dawladda Somaliland iyo Baanka Adduunka, ayaa kala saxeexday heshiis la xidhiidha mashaariic ku kacaysa lacag dhan 20 milyan oo dollar oo lagu horumarin doono bilicda iyo biyaha caasimadda Hargeysa.
Lacagtan oo ah mucaawano Baanka Adduunku siinayo Somaliland, ayaa lagu bixinayaa mashaariic dawladda hoose ee Hargeysa ku horumarinayso hagaajinta bilicda, gaar ahaan habaynta qashinka iyo meelaha biyo-mareennada ah iyo qayb lagu taageeri doono dadaallada biyo ballaadhinta ee magaalada.
Wefti ka socda dawladda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ay wehelinayaan Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa kulamo ay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya kula yeesheen toddobaadkan masuuliyiin ka tirsan Waaxda Maalgelinta Magaalooyinka iyo Qorshaynta Mashaariicda (Urban Investment Planning Project – UIPP) ee Baanka Adduunka, waxay ku heshiiyeen in lacagta si toos ah loo siinayo dawladda Somaliland iyo dhaqaajinta mucaawanadan uu kala qaybsan $13 milyan oo dollar oo loogu talogalay hawlaha hourmairnta dawladda hoose ee caasimadda iyo $6 milyan oo qayb ka noqon doona biyo-ballaadhinta Hargeysa, halka kharash ilaa hal milyan ahi ku bixi doono daraasado lagu samaynayo qaabka mashruucan u fulayo, gaar ahaan kuwa dawladda hoose.
Sida lagu baahiyey shabakadda internetka ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa (Hargeisawateragency.org), lacagtan biyo-ballaadhinta lagu samaynayo ayaa ku wajahan ceelal laga qadayo dooxa Laas-dhuurre oo biyahooda lagu xidhi doono habka biyo-soo-saarka ee Geed-deeble si loo kor loogu qaado biyaha caasimadda oo waqtigan aan wada gaadhin magaalada.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Md. Xuseen Cabdulle oo ka hadlay hawlaha biyaha dalka, ayaa sheegay in guud ahaan mashaariic biyo-gelin ah oo ka kala socda magaalooyinka Hargeysa, Wajaale, Burco, Boorama, Laascaanood iyo Ceerigaabo ay dhammaantood meelo fiican marayaan, isagoo xusay in mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda ee dhaqaalihiisa Midowga Yurub bixiyey lagu dhammaystiri doono inta lagu jiro sannadka soo socda ee 2015-ka, halka dhawaan ay soo saari doonaan wasaarad ahaan qiimayn lagu samaynayo xaddiga biyaha ka soo baxaya ceelasha laga qoday degaanka Xumbo-weyne oo ah mashruuca Imaaraadka ee la doonayo inay biyaha ka cabbaan degmooyinka Hargeysa ee aan helin biyaha Geed-deeble.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post