X

Asmara: Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xaqiijisay Nolosha Boqolaal Dhalinyaro Ah

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Eretria Isaias Afwerki ee martida loo yahay. 11 July 2022, Asmara Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Asmara(ANN)-Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii saddexaad booqasho ku jooga dalka Eritrea, ayaa kormeeray ciidanka Badda ee Soomaaliya loogu tababarayo dalkaa.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegey xerada tababarku uga socdo dhalinyada loo carbinayo sannadaha baddan Soomaaliya, waxa ku weheliyay booqashada Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ee martida loo yahay.

Markii uu gaadhay Madaxweyne Xasan Sheekh goobta ay ku sugnaayeen ciidamada, wuxuu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka tababarka ku jiray, wuxuuna tilmaamay sida uu ugu faraxsanyahay inuu la kulmo dhalinyaraa sannadaha tababarku u socday.

Sidoo kale, wuuu ciidanka ku bogaadiyey dulqaadka ay ku wajaheen tababbarka iyo sida ay uga go’an tahay in ay difaacaan qarankooda, isaga oo uga warbixin ka siiyay qorshaha dowladda ee dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo sugidda amniga guud ee dalka.

  Dawladda Eretria ayuu uga mahadceliyay tababarka ay siinayaan dhalinyarada loo carbinayo ciidanka Badda ee Soomaaliya.

Lama ogga tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo carbinayo ciidamada Badda ee Soomaaliya, kuwaas oo muddo dhawr sannadood ah ku sugnaa dalkaa, isla markaana aan si dhanb ah warkooda loo hayn, iyadoo xilligii uu socday dagaalka u dhexeeyay dawladda Federaalka Ethiopia iyo Jabhada TPLF ay soo baxeen warar sheegayay in dhalinyarada tababarka u joogay halkaa loo adeegsaday dagaalka oo dawladda Eritrea xilligaa garab siinaysay dawladda Federaalka Ethiopia, balse ma jirin warar xaqiijinaya arrimahaa oo sababay in waalidiiinta caruurta dhalay marar baddan warbaahinta ka hadleen iyagoo doonayay in xog laga siiyo caruurtooda.

Hase yeeshee Booqshada dalka Eretria ee xilligan Madaxweyne Xasan Sheekh oo loo qorsheeyay Afar maalmood ayaa xaqiijisay in dhalinyaradaa tababarku uga socday dhawrka sannadood dalka Eritrea ay nabad qabaan, isla markaana booqashadiisa ayaa ka farxisay boqalaal waalidiinta dhalay dhalinyaraa oo ka wer-wersanaa caruurtooda sannado badda,

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeeshay kulamo gaar ah oo aan la ogayn waxyaabaha lagaga wadahadlay, balse waxa lagu macneeyay oo keliya in ay yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal,

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post