X

Arrimaha Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Duruufaha Ku Xeeran Iyo Dardaaranka Culimada

Warbixin: By. Carraale M. Jama Journalist and Human Rights Activist.

Araweelo News Network

Muuqaalka mid ka mid ah Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo haawanaya


Mugadishu(ANN)- Xaalada Magaalada Muqdisho oo si weyn isu bedeshay xili ay Labo maalmood ka hadheen doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ee la filayo inay ka dhacdo halkaa, waxaana la mamnuucay oo la xayiray gaadiidka dhulka ee Baabuurta.
Amar kasoo baxay xalay maamulka gobolka Banaadir waxa lagu joojiyay socodka gaadiidka ee waddooyinka Muqdisho maalmaha Talaadada iyo Arbacada, kaas oo xalay saqdii dhexe la dhaqan geliyay.

Waddooyinka Laamiga ah, ayaa maanta haawanaya, waxana ka muuqda oo keliya Dadka lugeynaya iyo kuwa fadhiya harreeraha waddooyinka ee wax ku iibinaya iyo Boodhadhka Murrashaxiinta ee la sudhay, waxaana gebi ahaanba la fasaxay shaqaalaha dawladda iyo shaqaalaha shirkaddaha gaarka ah, iyadoo si weyn loo hadal hayo doorashada Madaxweynaha iyo waddooyinka la xidhay ee laga mamnuucay gaadiidka sababo la xidhiidha dhinaca ammaanka oo laga cabsi qabo inay Al-shabaab weeraro soo qaadan inta ay socoto doorashada Madaxweynaha.
Waddooyinka waaweyn ee laamiga ah ayaa la dhigay ciidamo aad u hubeysan oo isugu jira milatari, Boolis, Nabadsugid iyo kuwa AMISOM, sidoo kale waddooyinka aan laamiga ahyn ee ciida ah ee soo gala jidadka waaweyn ee laamiyada, ayaa lagu gooyay ciid iyo dhagaxaanta shubka ah si aanay gaadiidka uga soo gudbin.
Sidoo kale ammaanka agagaarka garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde oo loo qorsheeyay inay ka dhacdo doorashadu, ayaa ciidamo hubaysan la geeyay, iyadoo la sameeyay Aag duulimaadka ka caagan inta ay socoto doorashadu iyo ka hor.
Magaalada Muqdisho, waxay hoy u noqotay weerarada Qaraxyada iyo dilalka shirqoolka ah ee kaga yimaada Al-shabaab, kuwaas oo bartilmaameedkeedu yahay xarumaha dawladda, Huteelada ay daganyihiin xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya iyo xarumaha Hay’addaha kale ee ka hawlgala Muqdisho.

Waxaa la filayaa in Maalinta berito ee Arbacada ah xildhibaanada labada Aqal ee uu ka koobanyahay Baarlamanka Soomaaliya ay doortaan Madaxweynaha Afarta sano ee soo socota hogaamin doona Soomaaliya, iyadoo ay xilkaa ku tartamayaan 23 murrashax oo aanay ku jirin haween, kuwaas oo maalmihii u danbeeyay soo bandhigayay barnaamijyadooda.
Arrinta loolanka murrashaxiinta ku tartamaya xilka Madaxweynaha, ayaa si weyn looga hadal hayaa meelo badan, waxaana dadka arrimaha doorashada Soomaaliya la socdaa sheegayaan in ay adagtahay in xildhibaanada labada Aqal ku kala doortaan Barnaamij siyaasadeed Murrashaxiinta.

Muuqaalka qaar ka mid ah murrashaxiinta ee la sudhay waddooyinka waaweyn ee Muqdisho


Balse waxa soo baxay xoggo sheegaya in aanay doorashadaa ka madhanayn laaluush iyo arrimaha ragaadiyay Soomaliya qabiilaysiga, iyadoo lacag lagu qiyaasay ku dhowaad 50 milyan oo dollar ka badan inay murrashaxiinta qaarkood ku bixinayaan sidii loo dooran lahaa, isla markaana balanqaad loo sameeyay xildhibaano badan, waxaana marar badan ka hadlay arrintaa dalada Culimada Soomaaliyeed oo ugu baaqay xubnaha Baarlamaanka in aanay ku salayn doorashada hunguri iyo dano shaqsi, ama laaluush, balse ay ka fiirsadaan qofka ay codkooda siinayaan.
Sidoo kale waxa aan ka madhnayn doorashada Soomaaliya faragelinta qaar ka mid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaliya dhawr iyo labaatankii sanadood ee ay qaska ku jirtay, kuwaas oo faragelintooda murrashaxiinta qaarkood iyo dalada Culimada Soomaaliyeedba ka hadleen, balse waxa la eegayaa natiijada kasoo baxda Doorashadaa inay noqoto mid wax ka bedesha xaalada Soomaaliya iyo inay noqoto mid aan waxba ka bedelin jawiga colaada iyo dhiiga habeen iyo maalin ku qubanaya Soomaaliya iyo xaalada amnidaro ee dhawr iyo labaatanka sanadood ka taagnayd Muqdisho.
Warbixin: By. Carraale M. Jama Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network
Jaamac132@gmail.com
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post