Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)Aqoonyahan Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka mid ah dadka aqoonta durugsan u leh diinta, isla markaana ku jira qorayaasha reer Somaliland, ayaa markii u horaysay ka hadlay taariikhdiisa iyo waayihii kala duwanaa ee noloshiisu soo martay ilaa waqtigii uu yaraa.
Mr. Daa’uud oo xilka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ahaa waqtigii xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka loo soo xushay inay ka mid yihiin hal-doorka saamaynta ku dhex leh bulshada, kaasoo waraysi dhinacyo kala duwan khuseeya siiyey barnaamijka ku dayo muwaaddinta danta guud wax weyn ka qabtay rubuc-qarnigii tegay ee uu soo agaasimay Rashiid Sulub Caalim.
“Waxaan ku dhashay magaalada Hargaysa, sannadkii 1954-kii, waxaan bilowgii lixdankii ka galay malcaamadda Geed Goble, halkaas ayaanan ka bilaabay inaan qur’aanka ku barto. Waxa kaloo aan galay Dugsigii Sheekh Baraawe oo muddo afar sanno ah aan ku jiray, halkaasoo aan ku bartay luqadda Carabiga. Markii dambe waxa yimid Masaaridii uu soo diray Jamaal Cabdi-Naasir (Madaxweynihii Masar) sannadkii 1964-kii, kuwaasoo iibsaday malcaamaddii Fallaaxo, waayo waxa xilligaas Hargeysa ugu waaweynaa malcaamadaha Falaaxo iyo Sheekh Baraawe, anigu waxaan ka imid malcaamadda Baraawe, imtixaan ayeyna iga qaadeen, waxayna i geeyeen fasalkii 5aad oo ahaa kii ugu sarreeyey.
Markii dambe waxaan tegay iskuulkii dawladda oo aan galay dugsiyada Biyo-dhacayga Hoose, Biyo-Dhacayga Dhexe iyo Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar, ilaa aannu markii dambe tagnay Xamar oo aan galay Lafoole, taasoo la geli jiray marka la dhammeeyo shaqada qaranka.
Waxay Lafoole ahayd meel Siyaad Barre ugu talogalay xarfad, isagoo doonayay in dhallinyarada reer Woqooyiga (Somaliland) oo kaga wanaagsanayd reer Koonfureedka dhinaca waxbarashada uu ka dhigo macallimiin si ay u dhisaan ardayda ku jirta iskuullada,” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka hadlay taariikhdiisa waxbarasho ee waqtigii uu yaraa.
Waxa kaloo uu ka sheekeeyey qiso uu kala kulmay Jaamacaddii Lafoole ee Muqdisho, waxaannu yidhi; “Koox is og oo heerkooda aqooneed aad u dhisan yahay ayaannu ahayn markii aannu ku jirnay Xalane, waxaa nalala baryayay waar kaalaya oo jaamacadda daawooyinka soo gala, hase yeeshee waxaan galnay Jaamacadda Lafoole aniga iyo 3 nin oo aad u heer sareeyay oo Somaliland u dhashay ayaan ku wada jirnay markii aannu Lafoole dhammaynaynay waxa na xidhay Siyaad Barre.”
Isagoo ka warramayey sababta xadhiggooda keentay iyo wax lagu haystay, waxa uu intaa sii raaciyey, “Maanan garanayn waxa nalagu xidhay, waxase na loo sheegay inaanu waxbarashada beddelayno, markii nala xidhay waxa noo yimid Siyaad Barre oo nagu yidhi ‘waxaad tidhaahdeen Siyaad Barre in la dilaa waa xalaal oo waa murtad, culimada ayuu dilay, shuuciyad buu dalka keenay, iyo wax la mid ah.’ Waxa wax u akhrinaya Axmed Saleebaan Dafle oo Carabida ku wanaagsan, wuxuuna markaas na weydiiyey waar miyaanaan ahayn kuwii la yidhi adeeca isagoo daliishanaya (Adiiculaah Wa Adiicu Ras’uul Wa Ulil amri.”
Dhinac kale, ayuu haddana u kacay oo Siyaad Barre wuxuu na yidhi; ‘waxaad tidhaahdeen qabyaaladda Ilaahay ayaa banneeyay.” Markaa waxaannu jawaabnay maanaan odhan, waayo ragga reer Xamarka ah ee aannu Jaamacadda Lafoole ku wada jirnay wax walba waannu kaga wanaagsanayn oo xitaa xarakooyinka diimiga ah wax ay ka yaqaaneen may jirin, anaga ayaa wax bari jirnay, markaa markay yidhaahdaan hebel hebel ayaa sidaa sheegay ayaan ku odhan jirnay waar dee Ilaahay shucuuban wa qabaa’ilan ayuu inoo sheegee qabiilkiina sheega. Waxaas iyo wax la mid ah ayaa odayga (Siyaad Barre) loo geeyey. Adigu waalidiintayadii oo aan nasan iyo rag Cumar Carte ka mid ahaa ayaa markii danbe ku guulaystay in nala soo daayo.”
Maxamed Cabdi Daa’uud waxa uu aqoon u leeyahay cilmiga farsamaynta waxyaabaha kiimikalka ah (Biochemistry), isagoo ka baxay Jaamacaddii Lafoole, waxaannu ka mid ahaa dhallinyaradii horseedka u ahaa faafinta dacwada islaamiga, sidoo kalena waxa uu qoray buug la yidhaa Hadimooyinka Qaadka.
Waxa kaloo uu sheegay in markii uu dalka yimi aasaasay urur lagu magacaabi jiray Faaruuq, kaasoo ka shaqayn jiray la-dagaalanka waxyaabaha mukhaadaraadka ah iyo ka-hortagga cudurka HIV/AIDS.
“Waxaan buuggan (hadimooyinka qaadka) soo saaristiisa ka soo mutay inaan waqti badan geliyo sidii aan u heli lahaa daraasado iyo cilmi-baadhisyo ku taxaluqa taariikhda qaadka, waxaannu buuggan ka hadlayaa qaybta taariikhda, qaybta Chemistry-ga, qaybta markay daawadu jidhka gasho ilaa kaadida ay raacayso. Waxa kaloo buuggani ka hadlayaa qaadka iyo maandooriyeyaasha kale ee adduunka jira iyo sida ay u kala duwan yihiin. Waxa kaloo buuggu ka hadlayaa walfidda oo ah cudur aanay bulshadeennu ogayn. Cutubka u dambeeyaa wuxuu ka hadlayaa in qaadku xaaraan yahay iyo inuu xalaal yahay iyo waxay diintu ka qabto. Waxa Ilaahay mahaddii ah in aannu samaynay xarun lagu dabiibo dadka uu qaadku dhibaatooyinka u gaysto maxkaxdooda, waana Xarunta Sahan oo uu ugu horreyn sidii aannu ku samayn lahayn igala tashaday Sheekh Aadan Siiro,” ayuu yidhi Daa’uud.
Dhinaca kale, waxa uu sheegay in dadka Somaliland yihiin bulsho gob ah, si weyna u og dhibka qaadka, hase ahaatee dantu u gaysay inay shaqo ka dhigtaan. Waxa kaloo uu xusay in cidda qudha ee buuggiisa diiday ay yihiin qaybo ka mid ah culimadii diinta ina soo gaadhsiisay.
“Waddaadadii diinta ina baray ee asalka ahaa ayaa waxoogaa muran ah ka keenay buuggan, markaa culimadaas mooyaane cid kale oo hadal ka keentay ma jirto, iyagana (culimada qaadiriyada) xagga mad-habka isaga mid ayaannu nahay oo aniga laftaydu qaadiri ayaan ahay oo Ashacari baan ahay. Markaas xaggaas isaga mid baannu nahay, laakiin bahalkan qaadka ah waxay u arkaan inuu xalaal yahay, aniguna waxaan u arkaa inuu xaaraan yahay.”
Aqoonyahan Maxamed Cabdi Daa’uud, ayaa sidoo kale ka hadlay dhinaca maamul-wanaaga, isagoo ka mid noqday Guddida Diiwaangelinta Madaniga ah ee Somaliland oo ka kooban 15 xubnood.
“Maan ahayn qolada wasiirrada, balse qolada farsamada ayaan ku jiray, waxaanan ka duulaynay sidii loo hagaajin lahaa in diiwaangelintu u noqoto mid anfacda dalka, waxaana la soo saaray kaadhka diiwaangelinta oo casri ah, kaas oo lagu kala saarayo muwaadinka iyo qofka ajaanibka ah, waxaan annigu ahaa raggii haleelay amma soo saaray abtirsiga Somaliland oo qaab oo ku qoran kombuyuutar (Computerized) ah,” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Daa’uud.