X
    Categories: Warar

KULMIYE: Aqoonyahan Axmed Cabdi Dheere Oo Loo Magcaabay Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Xisbiga Iyo Xubno Gudida Fulinta Lagu Buuxuyay

Araweelo News Network

Hargaysa ( ANN) Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa u magcaabay Aqoonyahan Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) Guddoomiye-ku-xigeenka labaad (2-aad) ee xisbiga KULMIYE. kadib markii Xisbiga laga caydhiyay Guddoomiye Ku-xigeenkii hore Maxamed Yuusuf Waabeeyo iyo Xubno kale.

sidoo kale waxa la buuxiyay Xubnaha ka dhinaa gudida Fulinta ee Xisbiga Marka laga reebo Xilka iyo Jagada guddoomiye ku-xigeenkii sadexaad ee Xisbiga Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle.
Qoraal kasoo baxay Maanta Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa u qornaa sidan:-

Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Xisbiga Kulmiye iyo Buuxinta Xubnaha Guddida Fulinta ka bannaannaaday.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE kadib markuu arkay xilalka bannaannaaday ee guddoomiye-ku-xigeennimo iyo Guddida Fulinta ee lagu ansixiyey Shirweynihii 3-aad ee xisbiga.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey xubnaha Hoggaanka Xisbiga iyo cidda kale ee ay khusayso.

Kadib markuu arkay muhiimada buuxinta xilalkaa bannaani u leeyihiin waqti xaadirkan habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, si aannu xawligoodu isu dhimin, waxa uu go’aamiyey:

– In Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka labaad (2-aad) ee xisbiga KULMIYE.

– In Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) – ahna sidoo kale Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE, laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

– In Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

– In Xildh. Axmed Xasan Aadan (Axmed Waysacadde) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.
– In Yuusuf Cismaan Faarah – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

– In Aniisa Nuur Cigaal – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, ay ahaato xubin Guddida Fulinta ah.

– In Maxamuud Axmed Ibraahim (Sandheere) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

Dhammaan masuuliyiinta xilalka kor ku xusan loo magacaabay waxa lagu ansixin doonaa shirka Golaha Dhexe ee ugu horeeya. Xil gudasho wacan.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post