X
    Categories: Warar

Aqalka Cad Oo joojiyay Caawimadii Dalka Ukraine Iyo Caddaymo Marag-furaya Trump Oo Dumuraadigu Gacata U Galay

Senate Minority Leader Chuck Schumer holds a press conference in New York on Sunday, December 22, 2019. CBS NEWS

Washington(ANN)-Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa gebi ahaanba joojiyay Gargaarkii bini’aadanimo ee dalka Ukraine la siin jiray, arrintan ayaa soo baxday kadib markii daqiiqado kadib ay soo baxday markii Madaxweyne Trump uu khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky bishii July.


E-mail cusub oo ay heshay Xarunta Ilaalinta Dadweynaha oo la sii daayay Sabtidii ayaa muujinaya Michael Duffey, oo ah agaasime kuxigeenka barnaamijyada Amniga Qaranka ee Xafiiska Maareynta iyo Miisaaniyadda ee loo soo gaabiyo (OMB), ayaa ku wargaliyay Pentagon-ka in la joojiyo lacag dhan $ 391 milyan oo ah taageerada amniga ee la siinayo Ukraine..

“Shalay, waxaan helnay caddayn cusub oo ku saabsan sida ay muhiim u tahay haysashada markhaatiyaasha, ”Schumer, oo ka mid ah Dumuqraadiyiinta ayaa sidaa ku sheegay shir-jaraa’id oo uu Axaddii ku qabtay New York.

Senatar Chuck Schumer oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Dumuqraadiga ee laga tirada badan yahay, ayaa sheegay inuu dabada ka riixayo saraakiisha sare ee maamulka inay hor taagaan Aqalka senate-ka maxkamada soo socota ee Trump, isagoo cadeeyay qoraal cusub oo “Qarax” ah oo ka imanaya kaaliyaha Caawimooyinka Aqalka Cad, wuxuu sheegay inay caddeyn ahaan hayaan, taas oo noqonay cadaymo markhaati ah oo loogu yeedhi karo Madaxweynaha.

AKHI: Hoggaamiyayaasha Aqlabiyaddaha Labada Aqal Ee Maraykanka Senatka Iyo Kongereska Oo Jawaabo Kulul Is Dhaafsaday Kadib Maamuus Ka Xayuubintii Madaxweyne Trump
Farrinta cusub ee dhanka email-ka ah ayaa muujinaysaa in sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka Mike Duffey uu la xidhiidhay saraakiisha difaaca, isla markaana ka wada hadleen sidii loo joojin lahaa gargaarka Ukreine saacad iyo badh un ka dib markii uu madaxweyne Trump khadka telefoonka kula hadlay Madaxweyne Zelensky.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post