X
    Categories: Warar

‘Annagu (Somaliland) Wasiirro Kama Noqonayno oo ma Rabno, Baabuur Kama Rabno, Dhaqaale Kama Rabno’ Galydh

Araweelo News Network

Buuhoodle (ANN)- Siyaasiga Prof. Cali Khaliif Galaydh ee hoggaamiya kooxda la baxday Khaatumo, ayaa kula garnaqsaday dadka reer Buuhoodle sababta uu wadahadalka ula bilaabay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.
Prof. Cali Khaliif oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey furitaanka dugsi sare oo dhismihiisa laga hirgeliyey magaalada Buuhoodle habeenkii Khamiista, waxa uga cawday reer Buuhoodle qabyaalad lagula kaco isaga iyo xubno kale ee ka mid ah kooxdiisa, waxaannu kula garramay diidmadii lagala horyimi qorshihiisii hore ee uu ku doonayey dagaal uu la galo Somaliland iyo tuhunno hadda soo baxaya oo ka dhashay wadahadalka nabadeed ee uu iminka la bilaabay dawladda Somaliland.
“Bahashan qabyaaladda ah ee annaga sanka nalaga galgalinayo ee Axmed Garaadiyada ah wax allaale iyo waxay anfacaysaa ma jirto. Waxa la yidhi waagii Isaaqu tageen Addis Ababa ee ay aasaaseen SNM-ta ayaa 99% dadku waa Isaaq, mid walba saddex baa la socda aan ahayn Isaaq, kuwaa waxay u bixiyeen Yaa-Ayuhal-Nabi oo ah dadkii Nabiga, waar intayada Yaa-ayuhal-Nabiga ah ee Buuhoodle joogtaa waxaannu idin leenahay waar walaalayaalow bahasha kor u yara qaada.
Haddii nalagu haystay magaaladan oo nala yidhi fidnada nala dhaafa, dagaal ma rabo ee naga baxa oo gacan-ku-gabbasho muddo ahayn, intii noo hiilisay waanu ognahay, waar haddii aannu hadda la diiday dagaal oo aynu nabad, cilmi iyo horumar u soo jeedsanno waxa la leeyahay dagaal baan naloo ogolayn, waxa la leeyahay oo xikmaddii ku soo ururtay waa la wada dilaal tagayaaye annaga kuwayaga ayaa noo dilaal tagaya ee nin kale oo degmo iyo magaalo kale ka yimi nama dilaalayo. Waar dilaalkaasi waa indho-la’aan iyo maan-gaabnimo, dilaal kama hadlayno ee dadka dantooda ayeynu ka hadlaynaa,” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.
Waxa kaloo uu sheegay in wadahadalka u socda Somaliland ujeeddadiisu ku salaysan tahay danta ummadda, nabad iyo horumar ay helaan deegaannada ay ka mid yihiin Buuhoodle, isla markaana waxa uu meesha ka saaray in isaga iyo kooxdiisu u socdaan dano iyaga u gaar ah.
“Waxaannu kala hadlaynaa Somaliland annagu wasiirro kama noqonayno oo ma rabno, baabuur kama rabno, dhaqaale kama rabno, waxaannu ka rabnaa waxay ixtiraameen Khaatumo inuu maamul yahay. Hadda xanteenna iyo xifaaltankeenna may ahayne inta loo gacan-haadinayo ee dhaqaaqday ee meelo aynu wada ognahay is tubtay ee cuqaashoodii, waxgaradkoodii iyo dhallinyaradoodii wada leh yaan la innaga dheerayn, waar hooy meesha lagu socdo annagu cidna kulama tartamayno in aannu gun noqonno, ciddii gunnimo ku tartamayow annaga xaggayaga taageero kama helaysid, laakiin waxaannu leenahay Ilaahay ha idiin sahlo,” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post