Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay xisbigiisu diyaar u yahay in doorashada Madaxtooyadu ku qabsoonto waqtiga loo muddeeyey oo ah 28 March 2017, haddii Ilaahay yidhaa.
Guddoomiye Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad magaalada Hargeysa loogu qabtay taageerayaal ku biiray xisbiga WADDANI, waxa uu yidhi; “Haddii aannu nahay WADDANI muddo bil iyo badh ah waxaannu joojinnay ololaha, waxaanan joojinnay xafladaha, hasa yeeshee KULMIYE wuu joojin waayey, markaa waxa aannu leenahay KULMIYE, annaguna maanta waannu bilaabaynaa xafladihii, waxaanan diyaar u nahay in aannu u diyaargarawno doorashada annaga oo baxnaaninayna raxmaadka Alle inuu inoo shubo, abaartana innaga soo jabiyo, waxaannu diyaar u nahay in doorashada aannu ku galno waqtigeeda.”
Murrashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa uu ku dooday in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu ku fashilmeen barnaamijkii waxbarashada bilaashka ahayd ee ay ku galeen doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2010-kii, isagoo xusay in ardayda dugsiyada hoose/dhexe ee dawladda laga qaado lacago badan oo aanay awoodin qoysaska danyarta ah.
Waxa kaloo uu sheegay in dhaawacyo loo geystay Xoghayaha Caddaaladda iyo Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI, waxaannu tibaaxay in ay dhaawacaas ku mutaysteen dhaliilaha loo jeediyo KULMIYE, isagoo tilmaamay in dadka weerarka ku qaaday saraakiisha xisbigiisu ku dhawaaqayeen erayo ah; ‘maxaa la idinka siiyaa KULMIYE?’
“Ammaanku waa waxa ay Somaliland kaga duwan tahay Soomaalida kale, beryahana dhacdooyin ayaa inagu soo kordhay, waxayna ka soo kordheen xagga KULMIYE, waxayna taasi muujinaysaa dulqaadka xisbul-xaakimka. Dhacdooyinkaasi waxay keeni karaan amniga oo xumaada, magac-xumo soo gaadha Somaliland, waxaanan baaq u soo jeedinayaa taliyaha booliska iyo hay’adaha ammaanka in sida ugu dhaqsaha badan loo soo qabto dadkaas fal-dambiyeedka gaystay, haddii ay taasi sii socotana waxay keeni karaysaa in dhaawac gaadho ammaanka Somaliland ku heshay sumcadda. Arrimahani waxay tusaale u yihiin KULMIYE-ha soo socda sida uu u ekaan doono iyo KULMIYE aan dulqaad lahayn. Annagu waxaannu diyaar u nahay in aannu si xalaal ah u tartano, waxaanan leenahay; ‘KULMIYE-yow tartan oo qofka wax idinka sheega ha weerarin.’ Waxa aannu leenahay annagu ma lihin kooxo budhcad ah oo dadka weerara, laakiin dalka iyo dadka waxa aannu iibinaynaa barnaamij siyaasi ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
“Waxa aannu u sheegaynaa dadka reer Somaliland in aanan annagu ku dhici doonin fal-dambiyeedyada, laakiin arrintani waxa ay sababi kartaa falal is-difaac ah inay ka dhashaan, taasoo ay ka dhalan karaan ammaan-xumo, waxaanan leenahay talada yaan lala ambanin, waxaynu diyaar u nahay in aynu galno doorasho.”
Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu markale ka hadlay safarkii weftiga WADDANI ku tageen dalka Kenya, waxaannu yidhi; “Weftigii xisbiga WADDANI ee u baxay Nairobi wuxuu ahaa wefti u baxay gurmad qaran, gurmadkiina wuu ku soo guulaystay, xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE-na sas ayey ka qabeen, laakiin shacbigu wuu u xiisay.”