X
    Categories: Warar

Ankara: Kulanka Falanqaynta Siyaasada Iyo Taariikhda Kala Duwan Ee Somaliland iyo Soomaaliya

Araweelo News Network

The Intellectuals from Somalia and Somaliland met in Ankara under the invitation of Center for Foreign Policy and Peace Research of the Ihsan Dogramaci Peace Foundation.

Ankara (ANN) Laba guddi oo kala matalayey dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa kulan wadahadal ah ugu soo dhammaaday dalka Turkiga, kaas oo la xidhiidha wadahadalladii hore ugu socday labada dawladood oo hakaday.
Guddiyadan ka kala socda labada dal oo ka kooban xubno aqoonyahanno ay kala hoggaaminayaa Dr. Xuseen Bulxan oo la-taliye u ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Yuusuf Garaad oo horkacaya kooxda Soomaaliya, ayaa kulan qaatay muddo laba maalmood ah ku yeeshay magaalada Ankara, kaas oo la sheegay inuu soo qabanqaabisay Mac-had Daraasaadka Siyaasadda Dibadda Nabada iyo Cilmi-baadhista ee Mu’asasadda Nabadda ee Turkiga.(Center for Foreign Policy and Peace Research of the Ihsan Dogramaci Peace Foundation).

Ma jiro war la xidhiidha arrimahaa oo kasoo baxay labada dhinac midna, balse warar Dublamaasiyadeed oo ay shebekada wararka ee Araweelo News Network ka heshay ila wareedyo u dhow dhow ayaa sheegay in Malmihii lasoo dhaafay ay Dr. Bulxan iyo Aqoonyahan Maxamuud Cabi Xaamud ka baxeen dhinaca Magaalada Hargeysa, iyadoo Aqoonyahan Xasan Khaliif dhinaca Qurbaha kaga soo biiray.

Labada dhinaca ayaa kulankankii u horeeyay oo la soo gunnaanaday shalay yeeshay,waxaana laga wada hadlay oo Aqoonyahanada hawshoodu tahay dib u eegis dhinaca Taariikhda ee labada dal ee Somaliland iyo Somalia iyo kala duwanaanshaha xagga siyaasada, iyadoo arrimahaa fahamkoodu wax weyn ka tarayo sidii loo sii wadi laha wadahadaladii hakadku galay ee ;labada dhinac.

Kulanka labada dhinac ee Aqoonyahanka, oo dhinacyadu ku falanqeeyeen suurtogalnimada iyo walaaca qodobada laf-dhabarta u ah is-fahamka ama kala fogaanshaha u dhexeeya dadka reer Somaliland iyo kuwa Soomaaliya, iyadoo si gaar ah looga hadlay doorka aqoonyahanka labada waddan ka qaadan karaan iskaashi dhexmara, iyadoo ay goob-joog ka ahaaa saraakiil Turki ahi oo ka tirsan Mac-had Daraasaadka Siyaasadda Dibadda iyo Cilmi-baadhista ee Mu’asasadda Nabadda ee Turkiga.(Center for Foreign Policy and Peace Research of the Ihsan Dogramaci Peace Foundation.)

Haseyeeshee, kulankan ayaanay ka qaybgalin wasiirro iyo siyaasiyiin ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya oo iyaguna ku sugan isla dalka Turkiga, balse ma cadda inay yeelan doonaan kulan kan daba socda iyo in kale. Waxase ilo-wareedyadu xuseen in qorshuhu yahay wadahadalka labada dawladood dib loo bilaabo ilaa bisha June ee sannadkan 2016.
Xubnaha matalayey Somaliland ee ka qaybgalay kulanka wax aka mid ah Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, Prof. Maxamuud Xaamud (Nine) iyo aqoonyahan Xasan Khaliif Dhinaca dawladda Soomaaliya waxa ka socday suxufi Yuusuf Garaad Cumar, Prof. Xuseen Warsame oo ah nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo Dr. Maxamed Sheekh Cali.
Wadahadallada siyaasadeed ee u socday Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa hakad galay muddo hadda laga joogo sannad kadib markii dawladda Soomaaliya ku soo dirtay guddiga wadahadalka u matalayey xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, arrintaas oo dawladda Somaliland ganafka ku dhufatay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post