X
    Categories: Warar

Ankara: Kulan Dhexmaray Agaasimayaasha Wasaaraddaha Diinta Iyo Awqaafta Ee Somaliland iyo Turkiga

Agaasimaha guud ee wasaarada Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Cabdillaahi Cabdalla iyo Agaasimaha Xafiiska arrimaha dibedda ee Hay’adda Diinta iyo awqaafta ee Turkiga Afir Yildirim

Ankaral(ANN)- Agaasimaha guud ee wasaarada Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Cabdillaahi Cabdalla oo ku sugan dalka Turkiga, ayaa kulammo muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Xafiiska arrimaha dibedda ee Hay’adda Diinta iyo awqaafta ee Turkiga Afir Yildirim, Masuuliyiinta Hay’adda TIKA iyo madax kale.

Agaasimaha guud ee wasaarada Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Cabdillaahi Cabdalla iyo Agaasimaha Xafiiska arrimaha dibedda ee Hay’adda Diinta iyo awqaafta ee Turkiga Afir Yildirim iyo masuuliyiin kale

Ugu horreyn Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaaftu waxa uu magaalada Ankara kula kulmay madaxa xidhiidhka Africa u qaabbilsan Hay’adda Tika Fatih Yoldas, waxaanay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka Hay’addaas iyo Wasaaradda, isagoo ballan-qaaday inay dhinacyo muhiim ah wax ka tari doonaan wasaaradda.

“Waxaan la kulmay, madaxa xidhiidhka Africa u qaabbilsan Hay’adda Tika Fatih Yoldas. Kulankani waxa uu daba socday kulankii Wasiirka Diinta iyo awqaafta ee Somaliland iyo Madaxda Tika ay ku yeeshseen Ankara bilo ka hor. Waxaannu ka wadahadalnay wada shaqaynta iyo in Hay’adda Tikka gacan ka geysan doonto Masaaajiddda iyo Madaariska iyo inay wasaaradda gacan buuxda siin doonaan ayey ii ballan-qaadeen.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diintu Aadan Cabdillaahi.

Sidoo kale, Agaasime Aadadan Cabdillaahi Cabdalla, waxa uu la kulmay Agaasimaha Xafiiska arrimaha dibedda ee Hay’adda Diinta iyo awqaafta ee Turkiga Afir Yildirim, waxaanu Agaasimaha oo arrimaha ay ka wadahadleen faahfaahinayaa yidhi; “Waxan sidoo kale la kulmay, Agaasimaha Xafiiska arrimaha debadda ee Hay’adda Diinta iyo Awqaafta ee Turkiga Arif Yildirim. Waxaannu ka wadahadalnay sidii loo wada shaqayn lahaa, waxaanay ballan-qaadeen inay Wasaaradda ka caawin doonaan tabobbarro kala duwan oo la siinayo Shaqaalaha Wasaaradda, si aqoontooda kor loogu qaado iyo inay gacan ka geysan doonaan Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah.”

Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa xidhiidh fiican la leh Wasaaradaha dhiggeeda ah ee dalal kala duwan oo Turkigu ka mid yahay, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan kor u qaadista aqoonta Diiniga ah, waxaana hore Madax ka tirsan Hay’adaha dowliga ah ee dalka Turkiga iyo kuwa khayriga ah ula kulmay Wasiirka Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed dhawr bilood ka hor, waxaana kulammadaas iyo wixii lagaga wadahadlay sii amba-qaaday Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Md. Cabdalla.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post