X
    Categories: Warar

“Aniguna Ma illaawin Dadkii igu soo Dhaweeyey Dhulkaas Abaaruhu Ka jiraan” Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo dhowaan ku biiray Xisbiga KULMIYE, ayaa ka hadlay xaalada Abaarta gobolada Bariga Somaliland, wuxuuna xusay in aanu ilaawayn dadka ku nool deegaamadaa sidii ay usoo dhoweeyeen.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, kusoo dhoweeyeen madaarka Hargeysa, ka mid markii uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo hawlo shaqo oo uu ugu maqnaa dalal dibadda ah.

Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Md. Cabdi-najax Siyaad, wasiirro uu ka mid yahay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Qaranka Md. Cali Xaamud Jibriil, masuuliyiin iyo saraakiil ka kala tirsan xisbiga iyo xukuumadda, xildhibaanno, salaadiin iyo dadweyne kale, ayaa ku soo dhoweeyey Prof. Samatar ku qaabilay Madaarka Hargeysa oo uu ka soo digay shalay.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Cabdi-Dheere), ayaa ku soo dhaweeyey Prof. Samatar dalkiisa, waxaanu uu shaaciyey inay gudo geli doonaan hawlihii xisbiga iyo dardar-gelintooda oo uu qayb muhiim ah ku leeyahay aqoonyahanka.
Wasiirka Xidhiidhka Golayaaasha iyo Tiknoolajiga Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay inuu aqoonyahanku markale dib ugu soo noqday dalkiisa, waxaannu yidhi, “Aad baannu u soo dhaweynaynaa Prof. Samatar oo muddo kooban innaga maqnaa, waanan ku faraxsanahay inuu soo laabto oo uu hawlihii xisbiga iyo shaqadiisiiba hore ka bilaabi doono.”
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah madax-dhaqameedka ka soo jeeda Gobolka Gabiley, ayaa hadal kooban oo soo dhaweyn ah uu halkaas ka jeediyey waxa uu ku yidhi;, “Aqoonyahanku muddo yar buu innagaga maqnaa hawlo dalka, dadka iyo xisbigaba dan u ah, dalkuna wuu kuu baahan yahay, waxtarkaaga iyo waxqabadkaagana waanu u baahanay oo diyaar baanu u nahay.”

Ugu dambayntii, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa u mahadceliyey soo dhaweynta iyo ixtiraamka loo muujiyey, waxaannu muujiyey sida uu uga damqanayo xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, isaga oo ummaddana ka codsaday inay dadka jilicsan u gurmadaan, waxaannu yidhi; “Waxaan hambalyo u dirayaa dadka reer Somaliland oo iyagu wax walba ka mudan, marka labaadna waan ogahay in abaaro fool-xun waddanka haystaan oo dhul badan ay biyuhu ku yar yihiin, ummadduna waa inay dadka marba halkii ugu liidata ka war hayaan, aniguna ma illaawin dadkii ugu soo dhaweeyey dhulkaas abaaruhu ka jiraan, wasiirrada, dhallinyarada iyo hoggaanka xisbigana waan uga mahadnaqayaa sida ay ii soo dhaweeyeen.”
Imaanshiyaha Prof. Samatar, ayaa kusoo beegmaya xilli xisbigiisa KULMIYE wado dadaallo iyo dardargelin ballaadhan oo ugu diyaargaroobayo doorashada madaxtinimada ee u qorshaysan 28 March 2017.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post