X
    Categories: Warar

“Anigu Dawlada Siiaanyo U Doollaalo Tegi Maayo” Guddoomiyaha Guurtida oo ka Hadlay xaaladda Buuhoodle iyo mucaaradnimadiisii Hore

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in aannu wax gardarro ah ula tegin xukuumadihii talada dalka u kala dambeeyey, balse uu yahay shaqsi iska celiya cidda gardarro ula tagta.
Guddoomiye Saleebaan oo saxaafadda la hadlay shalay, waxa uu ka hadlay xafiiltankii u dhexeeyey isaga iyo Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo waqtigaas tartan dhinaca siyaasadda ah dhexmaray.

“Anigu dawladna kama gardarnaado. Tii u horreysay ee Maxamed Ibraahim Cigaal waannu beratannay (tartanay), taasina waxay ahayd xaq aan u lahaa, waannu iga dheereeyey oo iga badiyey, wuuna iga adkaaday oo hadalba may lahayn. Tii dambena anigu cidna kuma gardarroodo, kii igu gardarroodana waar aan is daynno ayaan ku idhaa oo waan iska waabiyaa, tanna (xukuumadda Siilaanyo) wax gardarro ah oo igaga yimmi ma arko ee ma idinka (saxaafadda) ayaa arkaya wax igu soo socda, in aan halkaas ka doolaalo tagana diyaar uma ahi,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtida oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sababta uu ugu mucaaradi waayey xukuumadda KULMIYE, maadaama uu mucaarid adag ku ahaa xukuumadihii hore ee Somaliland.
Waxa kaloo uu ka hadlay xaaladaha degaanka Buuhoodle, isagoo ugu baaqay maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo siyaasiga fidmo-wadaha ah ee Cali Khaliif Galaydh inay joojiyaan waxyaabaha keenaya xasillooni-darrada.
“Waxa aan filayaa in dawladdu innagaga filan yihiin xaaladaha ka taagan Buuhoodle. Xaglo-toosiye (Wasiirka Caafimaadka) waan maqlayey dhawaaqiisa. Ha ahaato Puntland amma Cali Khaliif ha ahaadee waxa aannu leenahay aan kala nabad helno, colaad uma baahnin, dagaalna uma baahnin, umana baahnin bulsho la isku dhufto.”
Guddoomiyaha Golaha Guurtida, ayaa sidoo kale ugu baaqay dadweynaha reer Somaliland inay si weyn uga qaybqaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo uu ku tilmaamay inay waajib tahay.
“Diiwaangelintu waa waajib iyo xil saaraan qof kasta oo qaangaadh ah oo reer Somaliland, muwaaddinkuna marka uu guto xilkiisa ayuu noqdaa muwaaddin sax ah, markaa waxaan leeyahay dadweynaha ha la galo diiwaangelinta, taas ayaanan dadweynaha ku bogaadinayaa, laakiin codsi maaha, waana waajib in la is-diiwaangeliyo,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post