X
    Categories: Warar

Angela Merkel: Hoggaamiyaha Jarmalka Oo Loo Karantiimeeyay Shaki Looga Qabo Coronavirus

German Chancellor Angela Merkel (R) and Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu are seen after addressing a press conference in Berlin, June 4, 2018. (Photo by AFP)


Berlin(ANN)-Haweenayda kartida badan ee ah Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel, ayaa la geliyay xaalad caafimaad oo karantiin ah, kadib markii looga shakiyay Coronavirus.


Angela Merkel, oo si weyn dalka Jarmalka ugala soo daabatay labaatankii sannadood ee u danbeeyay, ayaa iskeed isu karantiimaysay kadib markii Dhakhtar ay mar sii horraysay la kulantay laga helay cudurka Coronavirus ee dunida sida xun u sameeyay dhaqaalaha iyo socodka Adduunka uu sababay dhimashada kumamaan qof oo ku kala nool dacalada dunida.

Af-hayeenka dowladda Jarmalka Steffen Seibert ayaa sheegay in maalin walba baadhitaan lagu samaynayo Markel, isadoo xusay in baadhitaankuna aannu noqon doonin mid qarsoodi ah, balse la shaacin doonno natiija xaalada Hogaamiye Angela Merkel.

Steffen Seibert , ayaa si cad u sheegay in Mrs. Angel ay waajibaadkeeda shaqo gudanayso iyadoo joogta gurigeeda.

Angela Merkel oo ah haweenayda Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa la xusuusanyahay inay hore u sheegtay sida ay suura-gal u tahay in 70%(boqolkiiba todobatan) dadka Jarmalka uu ku faafo cudurka Coronavirus.


Xilligan dalka Jarmalku, wuxuu safka horre kaga jiraa dalalka Yurub ee Cudurka Coronavirus sida baaxada leh ugu faafay, wuxuuna galay Jarmalku kaalinta 3-aad marka laga hadlayo dalalka Yurub ee uu saamaynta xun ku yeeshay faafitaanka COVID-19. waxaana Jarmalka ka horreeyay oo keliya Talyaniga iyo Spain.


Coronavirus, ayaa dhammaadkii sannadkii 2019 (COVID-19, kasoo bilaabmay Wuhan oo ah magaalo ganacsi oo ku taal dalka shiinaha, balse dhibaatadu kuma koobnaan Shiinaha oo keliya ee wuxuu Faafitaanka Fayriska ee ka gudbay xuduudaha, isagoo saamayn ballaadhan ku yeeshay dhaqaalaha Adduunka, siyaasadda, amniga, iyo dowladnimada, waana Fayriskii inta la xusuusanyahay taariikhda sidaa xawliga muddo koobban isaga gudba dacalada dunuda ee abuura cabsi weyn.

AKHRI: Coronavirus: Maraykanka Iyo Shiinaha Midkee Samayeeyay Maxaase Caddaymo Loo Hayaa?


Tan iyo Desember 2019, waxa uu gaadhay Coronavirus haleelay inta la ogyahay, dad gaadhaya 353,903, iyadoo tirooyinka la hayo ay dhinteen Desember ilaa March, 15,420, halka ay kasoo kabteen dad gaadhaya 100,630. sida lagu shaaciyay xoggaha rasmiga ah ee la diiwaan geliyay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post