X
    Categories: Warar

AMISOM oo Shaaciyey in Al-shabaab Kordhiyeen Weerarradooda Soomaaliya

Araweelo News Network


Muqdisho (ANN)- Saraakiil ka tirsan hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahannada kooxda Al-shabaab sii kordhiyeen weerarrada ay ka geystaan qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada koonfurta.
Mid ka mid ah saraakiisha sare ee taliska AMISOM oo la hadlay saxaafadda Muqdisho, ayaa walaac weyn ka muujiyey korodhka weerarrada xoogagga Al-shabaab oo uu xusay in intooda badan lagu bartilmaameedsado saldhigyada ciidankooda iyo kuwa dawladda Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay mid khatar weyn ku keeni karta ammaanka guud ee dalkaas colaaduhu aafeeyeen 25kii sannadood ee la soo dhaafay.
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarro xooggan ka fuliyey degaanno dhowr ah oo ku yaal gobollada Bay, Bakool,Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose ee badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya bilihii u dambeeyey, weerarradaas oo intooda badan khasaare kala duwan loogu geystay ciidammada AMISOM iyo kuwa maamulka Muqdisho ee ku sugan degaannadaas.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post