Araweelo News Network
Muqdisho(ANN)-Dowladda Soomaaliya iyo hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku heshiiyay in laga billaabo dhammaadka sanadkan 2017′ ay ciidamada Soomaaliya la wareegaan mas’uuliyadda ammaanka dalka, xilligaasi oo ciidamada ugu horreeyay ee AMISOM la filayo in ay dalka ka baxaan.
Arrintaasi ayaa looga wada hadlay shir labada dhinac muddo shan maalmood ah uga socday magaalada Muqdisho, kaasi oo shalay la soo gaba-gabeeyay.
Wasaaradda gaashaan-dhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkaasi sidoo kale looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa in ciidamadan iskaashanaya ay u wiiqi lahaayeen awoodda Al-Shabaab, gacantoodana looga saari lahaa dhulka ay haatan maamulaan.
Wasiirka gaashaan-dhigga Soomaaliya, Rashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa xaqiijiyay Ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya.