X
    Categories: Warar

Amiirka Dalka Qadar Oo Ka Qaybgelaya Shirka Dalalka Carabta Ee Sucuudigu Ku Baaqay

A Qatar Airways plane landed at Jeddah airport in Saudi Arabia on 28 May 2019 [Qat/Twitter]

Makka(ANN)- Hoggaamiyayaasha Carabta iyo qaar ka mid ah Madaxda dunida Islaamka, ayaa ku qulqulaya magaalada barakaysan ee Makka Al Mukarrama ee dhulka Xaraneynka oo la filyo in shir xaasaasi ah uga fur kusii qulqulaya inta badan hoggaamiyaasha dawaaqiidda Carabta iyo kuwa kale ee ka jira caalamka Islaamka.

Shirka, waxa ku baaqay Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz Al Saud, waxaana la filayaa shirkaa oo ah mid xaasaasi ah in lagaga hadlo xiiisada kasoo cusboonaatay gobolka Khaliijka ee u dhaxaysa Maraykanka iyo dalalka ay xulufada yihiin ee Sucuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah iyo Iran oo si weyn uga soo horjeeda siyaasada Maraykanka ee ku waajahan dalkeeda iyo dalalka gobolka.

Diyaaradda Emir of Qatar Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani, ayaa markii ugu horreysay ku soo degtay Garoonka Jeddah ee Sacuudi Carabiya tan iyo markii ay xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadka ee Khaliijkulaba sano ka hor xayiraad saareen dalkaa. Sida Qatar Airways ku shaaciyay barta Twitter-ka.

Xulufada Dalalka Sacuudi Carabiya , UAE, Baxreyn iyo Masar ayaa dagaal siyaasadeed iyo  godoomin ku sameeyey dalka  Qadar bishii June 2017 iyada oo lagu eedeeyay inay taageeto argagixisada, isla markaana xidhiidh la leedahay dalka Iran., Balse  Doha ayaa si adag u beeniyay eedeymaha, iyadoo  sheegtay in weerarku uu ahaa mid lagu joojinayo isbeddelka iyo horumarka ay samaysay  xukuumadda Qadar.

Al Thani ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay martiqaad uu ka helay Boqor Sacuudi Carabiya Salman Bin Abdulaziz Al Saud si uu uga qayb galo shirka magaalada Mecca, sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar.

Kulankan, ayaa sidoo kale la filayaa in lagag hadlo saameynta weerarrada diyaaradaha ee saldhigyada saliida ee boqortooyada iyo weerarrada afar markab, oo ay ka mid yihiin laba kuwa saliida qaada ee Sacuudiga, oo ka baxay xeebta Imaaraadka horraantii bishan, iyadoo weerarradaa lagu eedayay dalka Iran iyo xuutiyiinta dalka Yemen ee ay gacanta siiso Iran, balse Iran ayaa dhankeeda diiday eedahaa, waxayna ku tilmaantay kuwo ay fuliyeen waxay ugu yeedhay cannaasiirta Maraykanka oo doonaya inay gobolka ammaankiisa khalkhal geliyaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post