X
    Categories: Warar

Ambassador Nicolás Berlanga Martínez Oo Muuqaal Madasha Bandhiga Bugaagta Ee Hargeysa Mar Keliya Jawigeeda Bedelay

Somaliland: Bandhigga Caalamiga ah ee 12-aad ee Buugaagta Hargeysa Oo Furmay iyo Waxa Sannadkan Ku Cusub

Hargeysa(ANN)-Munaasibadaa Bandhiga 12aad ee Buugaagta oo ahayd mid si weyn loo soo aggaasimay, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxaana  furitaankii ka hadlay Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka , Jaamac Muuse Jaamac, , oo  sheegay in sannadkan Dalka Masar oo ka mid ah Dalalka Afrika ee  lagaga hadlo Luqada Carabiga uu marti ku yahay Bandhiga 12aad ee Buugaagta Carwada Hargeysa, isagoo xusay in ay fursad u tahay maadaama ay jiraan dhalinyaro Soomaaliland u dhashay oo ku hadla Luqada Carabiga, kuwaas oo uu sheegay inay ka faa’idaysanayaan fursadaa.

International Book Fair Hergeisa Opining 20 July 2019

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, Jaamac Muuse, ayaa sidoo kale sheegay in sannadkan uu Halku-dhega bandhigu yahay, Isdhexgalka  Bulshadda oo uu sheegay in ay ka turjumay munaasibada bandhiga 12aad ee Buugaagta Hargeysa ee sannadkan oo Hargeysa lagu qabtay 20 July 2019.

Furitaanka Carwada caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo ah sannadii 12-aad ee 20 July  2019

Marwo Edna, oo ka hadashay munaasibada Furitaanka bandhiga Bugaagta, ayaa sheegtay in Somaliland leedahay xuduudo mucayim ah oo la garanayo, waxayna  xustay in Somaliland ku faanto  inay kusoo caana-maashay nabadgelyo, kala danbayn iyo Dumuqraadiyad dunidu ku majeeratay, waxay sheegtay in Somaliland qabatay Doorashooyinka, Madaxweynaha saddex Jeer, laba jeer oo golayaasha Deegaanka iyo tartanka Ururada Siyaasada ah iyo Baarlamaanka xiliigana ay  diyaar u tahay inay qabato Doorashooyinka Golayaasha Baarlamaanka iyo Deegaanka.

Jaamac Muuse jaamac oo ka hadlaya Furitaanka Carwada caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo ah sannadii 12-aad ee 20 July 2019

Ku-xigeenka Safiirka Masar Mohamed Emat El-ginw, ayaa sidoo kale ka hadlay munaasibada bandhiga Bugaagta ee Hargeysa, wuxuuna ka waramay Taariikhda dheer ee k a dhaxaysa Somaliland iyo dalkiisa Masar, wuxuuna amaanay nabadgelyada  Somaliland iyo nidaamka Dumuqraadiyadeed eek a jira Somaliland.

Ambassador Nicolás Berlanga Martínez Furitaanka bandhiga Buugaagta Hargeysa ee 12aad 20 July 2019, Araweelo News Network

Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez oo ka mid ahaa Dublamaasiyiinta ka qaybgalay Bandhiga Bugaagta, ayaa ka hadlay Nabadgelyada, deganaanshaha  iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, wuxuuna sheegay inay tahay wax lagu faano waxa  ay qabsatay Somaliland.

Ambassador. Nicolás Berlanga Martínez, waxa uu markii uu ka hadlayay Madasha si lama filaan ah ugu Lebistay Koofiyada Odayaasha  iyo Cumaamad uu qararka saartay, isagoo muujinaya dhaqanka ay ka turjumay xarunta Dhaqanka ee Hargeysa  oo boqolaal qof oo Soomaali iyo Ajaanib ah ay ka qaybgaleen, isagoo yidhi, “Maanta ii ogolaada inaan ahay Oday dhaqameed reer Yurub ah oo Somaliland jooga” ayuu yidhi, Ambassador. Nicolás Berlanga  oo mar keliya munaasibadii u bedelay sacab lagu soo dhowaynayo  lebiska uu xidhay  iyo siduu u bedelay muuqaalka manbarka uu taagnaa.

Furitaanka Carwada caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo ah sannadii 12-aad ee 20 July 2019. Araweelo News Network

Sidoo kale, waxa munaasibadaa hadalo ka jeediyay Masuuliyiiinta Xukuumadda Somaliland, madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiiradda, Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin, iyo Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, kuwaas oo dhammaantood sheegay ahmiyada ay munaasibada Bandhiga Bugaagta Hargeysa u leedahay muqaalka iyo sawirka dunida ee Somaliland, sidoo kale wax aka hadlay Dublamaasiyiin uu ka mid yahay Safiirka Jarmalka Ambassador Annett Günther iyo Aqoonyahan ka yimi dalalka dunida ee qaaradaha dunida.

Gebegebadii, waxa madasha laga bilaabay Heesaha iyo Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Qaarkood oo lagu soo bandhigay intii qaybta hore ee Xafladda Bandhigga Buugaagtu socotay. Waxaana markaa ka dib loo gudbay Qaybaha kala duwan ee uu Bandhiggu u qorshaysnaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post