Somaliland: Bandhigga Caalamiga ah ee 12-aad ee Buugaagta Hargeysa Oo Furmay iyo Waxa Sannadkan Ku Cusub
Hargeysa(ANN)-Munaasibadaa Bandhiga 12aad ee Buugaagta oo ahayd mid si weyn loo soo aggaasimay, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxaana furitaankii ka hadlay Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka , Jaamac Muuse Jaamac, , oo sheegay in sannadkan Dalka Masar oo ka mid ah Dalalka Afrika ee lagaga hadlo Luqada Carabiga uu marti ku yahay Bandhiga 12aad ee Buugaagta Carwada Hargeysa, isagoo xusay in ay fursad u tahay maadaama ay jiraan dhalinyaro Soomaaliland u dhashay oo ku hadla Luqada Carabiga, kuwaas oo uu sheegay inay ka faa’idaysanayaan fursadaa.
Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, Jaamac Muuse, ayaa sidoo kale sheegay in sannadkan uu Halku-dhega bandhigu yahay, Isdhexgalka Bulshadda oo uu sheegay in ay ka turjumay munaasibada bandhiga 12aad ee Buugaagta Hargeysa ee sannadkan oo Hargeysa lagu qabtay 20 July 2019.
Marwo Edna, oo ka hadashay munaasibada Furitaanka bandhiga Bugaagta, ayaa sheegtay in Somaliland leedahay xuduudo mucayim ah oo la garanayo, waxayna xustay in Somaliland ku faanto inay kusoo caana-maashay nabadgelyo, kala danbayn iyo Dumuqraadiyad dunidu ku majeeratay, waxay sheegtay in Somaliland qabatay Doorashooyinka, Madaxweynaha saddex Jeer, laba jeer oo golayaasha Deegaanka iyo tartanka Ururada Siyaasada ah iyo Baarlamaanka xiliigana ay diyaar u tahay inay qabato Doorashooyinka Golayaasha Baarlamaanka iyo Deegaanka.
Ku-xigeenka Safiirka Masar Mohamed Emat El-ginw, ayaa sidoo kale ka hadlay munaasibada bandhiga Bugaagta ee Hargeysa, wuxuuna ka waramay Taariikhda dheer ee k a dhaxaysa Somaliland iyo dalkiisa Masar, wuxuuna amaanay nabadgelyada Somaliland iyo nidaamka Dumuqraadiyadeed eek a jira Somaliland.
Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez oo ka mid ahaa Dublamaasiyiinta ka qaybgalay Bandhiga Bugaagta, ayaa ka hadlay Nabadgelyada, deganaanshaha iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, wuxuuna sheegay inay tahay wax lagu faano waxa ay qabsatay Somaliland.
Ambassador. Nicolás Berlanga Martínez, waxa uu markii uu ka hadlayay Madasha si lama filaan ah ugu Lebistay Koofiyada Odayaasha iyo Cumaamad uu qararka saartay, isagoo muujinaya dhaqanka ay ka turjumay xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo boqolaal qof oo Soomaali iyo Ajaanib ah ay ka qaybgaleen, isagoo yidhi, “Maanta ii ogolaada inaan ahay Oday dhaqameed reer Yurub ah oo Somaliland jooga” ayuu yidhi, Ambassador. Nicolás Berlanga oo mar keliya munaasibadii u bedelay sacab lagu soo dhowaynayo lebiska uu xidhay iyo siduu u bedelay muuqaalka manbarka uu taagnaa.
Sidoo kale, waxa munaasibadaa hadalo ka jeediyay Masuuliyiiinta Xukuumadda Somaliland, madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiiradda, Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin, iyo Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, kuwaas oo dhammaantood sheegay ahmiyada ay munaasibada Bandhiga Bugaagta Hargeysa u leedahay muqaalka iyo sawirka dunida ee Somaliland, sidoo kale wax aka hadlay Dublamaasiyiin uu ka mid yahay Safiirka Jarmalka Ambassador Annett Günther iyo Aqoonyahan ka yimi dalalka dunida ee qaaradaha dunida.
Gebegebadii, waxa madasha laga bilaabay Heesaha iyo Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Qaarkood oo lagu soo bandhigay intii qaybta hore ee Xafladda Bandhigga Buugaagtu socotay. Waxaana markaa ka dib loo gudbay Qaybaha kala duwan ee uu Bandhiggu u qorshaysnaa.