X
    Categories: Warar

Ambassador Baashe Cawil Safiirkii Somaliland Ee Dalka Imaaraadka Carabta Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Madaweyne Muuse Biixi U Magcaabay

Araweelo News Network

Ambassador Bashe Awil Omar

Hargeysa(ANN)-Ambassador Baashe Cawil oo ahaa Safiirka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ka dareen celiyay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u bedelo Safiirka Somaliland ee Dalka Kenya, kadib markii wareegto Madaxweynuhu soo saaray maanta oo 13 August 2018 ku bedelay.

Ambassador Baashe Cawil oo ka daareen celinaya in loo bedelo Safiirka Somalikand ee dalka Kenya, wuxuu biggiisa Facebook ku qoray Qoraal kooban oo uu kaga hadlayo sida uu u arko in laga bedelo xafiiska Somaliland ee Dalka Imaaraadka, wuxuuna qoraalkiisa ku yidhi sidan:-

” Mahad-naq Iyo Maalmo Kale Oo Aynu Qaranka Ugu Addeegno Hal-Abuurid, Iyo Hirgalinta Hiigsiga Somaliland Ay Leedahay”

Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahadnaqayaa wada shaqayntii iyo garab- galkii aad safaaradda Somaliland ee Imaaraadka ka siisay xoojinta Xidhiidhka Ganacsi, Amni Iyo dhaqaale ee aynu la lahayn dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaan si gaar ah ugu mahad-naqayaa dhammaan Shaqaalihii Safaarada sidii dadaalka Iyo daacadnimada lahayd ee aad ugudan jiray shaqada aad qaranka u haysaan, waxaan sidoo kale  u mahadnaqayaa dhammaan madaxda Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sida gobonimada leh ee ay Somaliland u garab joogaan xaalad adag iyo mid fudud ba.
Ugu dambayntii waxaan Aqbalay Madaxweyne xilka Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Kenya ee aad ii magacawday.” ayuu ydhi Ambassador Baashe Cawil.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post