X
    Categories: Warar

Algeria: Shil Diyaaradeed Oo Sababay Dhimashada 257 Qof

Araweelo News Network

Algiers(ANN)-Shil Diyaaradeed oo ka dhacay dalka Algeria ee galbeedka Afrika, ayaa sababay dhimashada dad tiradoodu gaadhay 257 qof, sidaana waxa xaqiijiyay saraakiisha dalkaasi.

Diyaaradda oo hayd mid militari, waxay soo dhacday kaddib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha millitariga ay leeyihiin oo lagu magacaabo Boufarik oo ku yaal galbeedka magaalada caasimaadda ah ee Algiers.

Baadhitaano iyo gurmad ayaa weli ka socda goobta diyaaradu ku burburtay, madaxweynaha Algeria Cabdelcaziz Bouteflika, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah.

Dadka ku dhintay shilkaa diyuuradeed ayaa u badan ciidanka millitariga iyo qooysaskooda, 10 qof rakaab ahaa ayaa sidoo kale ku geeriyooday shilka, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan xisbiga talada haya ee dalka Aljeeriya, ayaa ka dhawaajiyay in 26 kamid ah xubnaha taabacsan kooxo gooni-u goosadka jabhada Bulasaariya inay kamid ahaayeen dadka ku dhintay shilkaa.

Diyaaraddan Ilyushin Il-76,  ayaa kusii jeeday magaalada Bechar oo ah Koonfur galbeed dalka Aljeriya, waxaana Diyaaradda la qorsheeyay ka hor intii aanay burburin inay ku degto magalaada Tinouf oo ku taal xadka Morocco iyo deegaanka xadka lagu muransan yahay ee Sahara galbeed.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post