X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Weerar Iyo Qarax Ay Ka Fuliyeen Muqdisho Ku Khaarajiyay Dublamaasiyiin Iyo Dad Kale

Mogadishu(ANN)Xarakada Al-shabaab, ayaa weerar iyo qarax ay ka fuliyeen Huteel ku yaal magaalada Muqdisho ku khaarajiyay ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan Dublamaasiyiin, sidoo kale ay ku dhaawacmeen weerarkaa ugu yaraan 10 qof. Sida sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Muqdisho, koox hubaysan oo ka tirsan xarakada Al-shabaab, ayaa qarax ka fuliyay galabta 27 March 2015, Huteelka Makka Al-mukarama oo ka mid ah kuwa ugu caansan muqdisho.

 

 

Qaraxa oo ka dhacay afaafka Huteelka oo ay inta baddan degan yihiin Dublamaasiyiinta iyo masuuliyiinta dawlada, waxa markaa ka dib gudaha u galay koox hubaysan, kuwaas oo toogasho ku bilaabay dadkii ku jiray gudaha Huteelka. Wararka hordhaca ah, ayaa sheegaya in Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Switzerland, Yuusuf Maxamed Ismaaciil Badhibadhi oo hore xilal uga soo qabtay dawladii Cabdullaahi Yuusuf, ayaa ka mid ah dadka geeriyooday.

photo File: Ambassador Yousuf Ismail Badhibadhi By. Araweelonews.com

 

Dublamaasiyiin kale ayaa ka badbaaday weerar waxaana ka mid ah safiirkii dawlada Germany u fadhiyay Soomaaliya oo la sheegay in uu daaqadda ka booday markii weerarku bilaabmay. Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee la dagaalanka argagixisada Alpha Group ayaa jabiyay gudaha u galay Huteelka oo ka mid ah goobaha amaankooda aad loo ilaaliyo, kuwaas oo jebiyay gidaarka huteelka, waxayna ugu yaraan sadex saacadood ku dagaalamayeen gudaha kooxda Al-shabaab oo sheegatay weerarka.

Weerarka, ayaan weli si dhab ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay, mana aha weerarkii ugu horeeyay ee sidan oo kale Al-shabaab ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho, balse weeraro iyo qaraxyo wada socda ayaa inta baddan ka dhaca magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia oo aanay ka jirin xaalad nabadgelyo oo laysku halayn karo. Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post