X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ku Fulisay Dhalinyaro

Araweelo News Network

Muqdisho)ANN)-Maxkamad ku taala deegaanka Shabeelada Hoose ee Soomaaliya oo ka mid ah deegamada Al-shabaab ka taliso, ayaa xukun shareecada Islaamka ah ku fulisay galabta laba wiil oo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay fal tuuganimo ah oo ay ka geysteen mid ka mid ah goobaha ganacsi ee ku yaalla degmooyin katirsan deegankaa.

Xukunkan ayaa lagu fuliyay Cabdi Cali Maxamed oo 25 jir ah iyo Max’med Xassan Cumar 20 jir ah oo sida uu sheegay qaadigu ay ku cadaatay dacwad lagusoo oogay oo ku saabsaneyd in fal xatooyo ah ay kula kaceen hanti ay lahaayeen dad shacab ah. iyadoona boqolaal dadweyne ah ay isugu soo baxeen fagaarihii xukunka lagu fulinayey ee deegaanka Daarusalaam.

Qaadiga Maxkamadda ayaa goobta ka akhriyay dacwadda lagusoo oogay labada nin ee ku eedaysnaa falka xatooyada ah, waxaana qaadiga uu sheegay in labaduba ay qirteen dacwada lagusoo oogay.

“Maxkamaddu markii ay dhageysatay dacwada lagu soo oogay eedeysaneyaasha iyo jawaabihii ay bixiyeen oo ahayd mid qiraal ah, waxay maxkamaddu u bandhigtay shareecada islaamka, wuxuu noqday Xadu Sariqah, waxay soo saartay xukunka soo socda:- Cabdi Cali Maxamed waxaa laga goynayaa lugta bidix kadib markii horay looga gooyay gacanta bidix, halka Max’med Xasan Cumar laga goynayo gacanta bidix” ayuu yidhi qaadiga maxkamadda oo fagaaraha ka akhrinayey xukunkaa.

Markii xukunka la fuliyay waxaa goobta isqabsaday takbiirta iyo sawaxanka boqolaal dadweyne ah oo isugusoo baxay fagaarihii lagu fulinayey xukunkaa, kuwaas oo soo dhoweeyay xukunkaa.

Max’med Xasan Cumar oo kamid ahaa dhalinyaradii xukunka gacan goynta ah lagu fuliyay ayaa meel duleedka degmada Janaale ka xaday neef Dibi seddax jir ah, sidaasna waxaa ku buuxsamay nisaabkii gacan goynta sharciga ah, ayuu yidhi Qaadigu.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post