X
    Categories: Warar

Al-Shabaab Oo Xukun Gacan-Goyn Ah Ka Fulisay Goboladda Dhexe Ee Soomaaliya

Araweelo News Network

Galguduud(ANN)-Maxkamad ku taala deegaanka Galguduud ee gobolada dhexe ee Soomaaliya,Isla markaana Ka mid ah Maxkamaddaha taabacsan Al-Shabaab, ayaa xukun gacan-goyn ah ku fulisay Wiil Dhalinyarada ah.

Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud ayaa shalay gelinkii dambe xukun Xaddu Sariqa ah ku fulisay Wiilkaa dhalinyarada ah oo lagu eedeeyay fal tuuganimo ah Inuu ka geystay mid ka mid ah goobaha ganacsi ee ku yaalla degmada Galhareeri ee Galgaduud, waxaana goobta xukunka Laga fulisay Isugu Soo baxay boqolaal dadweyne ah, Kuwwaas Oo daawanayay qaabka loo fulinayay xukunka.

Xukunkan ayaa lagu fuliyay Max’med Cilmi Jaamac oo 27 jir ah kaasoo xaakinka Maxkamaddu Sheegay inay ku caddaatay dacwad lagusoo oogay oo ku saabsaneyd in fal xatooyo ah uu ka geystay goob ganacsi oo ku taal suuqa weyn ee ganacsiga magaalada Galhareeri.

Qaadiga Maxkamadda ayaa goobta ka akhriyay dacwadda lagusoo oogay ninka Dhalinyarada ah Oo uu Sheegay Inuu xatooyada geystay, waxaana qaadiga uu sheegay in eedaysanuhu Uu qirtay falka uu geystay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post