Araweelo News Network

gaadiidkaalshabaabqabsatayMogadishu(ANN)Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada dawladda Soomaaliya ku lahaayeen xerada Laanta Buuro ee gobolka Shabeellaha Hosse oo qiyaastii 40 km u jirta caasimada Muqdisho.
Weerarka ay ku qaadern Dagaaalyaanka Al-shabaab halkaa, waxay kaga soo qaadeen labo jiho, taas oo sababtay in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaadho ciidamadda ku sugnaa xeradaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaa inta la ogyahay Lix qof oo ay ku jiraan labo rayid ah ku dhinteen dagaalka, iyadoo wararka kasoo baxay Al-Shabaab sheegeen, in ay ku qabsadeen mudo kooban xerada kuna qaateen sagaal gaadhi oo todobo kamid ah ay yihiin kuwa qoryuhu ku rakibanyihiin kuna dileen askar ka badan todobaatan.
Ilaa hada Ma jiro wax wara oo ka soo baxay xukuumadda iyo milatariga Soomaaliya oo ku waajahan dagaalkan xalay ka dhacay Laanta Buuro.
gaadiidka alshabaabqabsatay1p://www.araweelonews.com/wp-content/uploads/2016/03/gaadiidka-alshabaabqabsatay1.jpg” rel=”attachment wp-att-8727″>gaadiidka alshabaabqabsatay1
Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in Al-Shabaab ilaa afar gaadhi oo kuwa gaashaaan ee qoryuhu saaranyihiin, ka kaxaysten halkaa, isla markaana mid kale ay gubeen kadib markii uu god uga dhacay. Sidaa waxa BBC-da u sheegay qof goobta ka dhowaa.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in Al- shabaab gaadiida ay ka qabsadeen halkaa duhurnimadii maanta laga gudbiyay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay ka taliyaan Al-Shabaab sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan Awdheegle, waxaana warbaahinta taageerta Al-shabaab lagu soo bandhigay muuqaalka gaadiidka gaashaaman ee ay ka kaxaysteen halkaa oo leh astaanka gaadiidka ciidanka Milateriga Somalia. sidoo kale muuqaalkaa waxa ku jira saanada milateri ee Al-shabaab ka qaateen xerada Laanta Buuro ee duleedka Muqdisho/
hubkaalshababqabsatay
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku hayaan xeryaha ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa ciidamada dowladda tan iyo sanadkii hore, waxayna weerarada Al-shabaab ee sidan oo kale muujiyeen tamardarada ciidamada ka badan 20,000 ee ku sugan Somalia iyo kuwa dawlada Somalia.