X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Weerar Dab-xidh Ah Ku Qaaday Diyaarad Siday Madaxweynaha Somalia

Baraawe(Arraweelo) Dagaalyahanka Al-shabaab, ayaa weerar dab-xidh ah oo dhinaca Cirka ah ku qaaday Diyaarad siday Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminayay oo maanta booqasho ku tegey Magalaada Baraawe oo dhowaan Al-shabaab ka baxday 6 sanadood kadib.
Ma jiro War xukuumadda Somalia kasoo saartay weerarka Diyaarada siday Madaxweynaha Somalia iyo khasaaraha ka dhashay, balse Xarakada Al-shabaab, ayaa sheegatay weerarkaa oo ahaa mid lala beegsaday Diyaarada Madaafiic iyo Hubka Lidka Diyaaradaha, taas oo sababtay in Diyaaradu dhinaca xeebta u cararto, isla markaana barxada Tabuuk oo ahayd goob fagaare ah oo Al-shabaab ciidaha salaada ku tukun jireen ay ku degeto.

Weerarka ka dib waxay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Somalia ee ku sugan Baraawe madaafiic ku garaaceen duleedka magaalada oo ahayd meelaha laga soo weerary diiyaradaha siday wefdiga Madaxweynaha eek a tegey Muqdisho.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in dagaalo culus ka dhaceen deegaanka saacadihii lasoo dhaafay, mana jiraan warar madax banaan oo sheegaya khaaraha ka dhashay dagaaladaa, balse Al-shabaab ayaa sheegtay in ay deegaanka Rooboow oo qiyaastii 40km u jira xarunta Baraawe ku gubeen laba gaadhi oo Ciidamada AMISOM u siday Saad, kuwaas oo ay sheegeen in ay holciyeen. Kadib jidgooyo ay ka sameeyeen wadada duleedka Baraawe.

Dhinaca kale deegaamo ka tirsan Gobolada dhexe oo dhawrkii todobaad ee u danbeeyay dagaalo ku dhexmarayeen Al-shabaab iyo Ciidamada Ethiopia, waxay xarakada Al-shabaab ku sheegatay guulo iyo in ay qabsatay deegaamo cusub, isla markaana ay khasaare gaadhsiyeen ciidamada Ethiopia. Laakiin ma jiro wax war ah oo ay Ciidamada Ethiopia kasoo saareen sheegashada Al-shabaab.

Sidoo kale xukuumadda Somalia iyo Ciidamada AMISOM, ayaan ka hadlin guusha ay sheegatay Al-shabaab in ay ka gaadheen dagaaladaa.

Araweelonews
Somaliland Office
arraweelo@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post