X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Soo Bandhigtay Mayaydka Askar Ethiopian ah Iyo Muuqaalada Tirada Gaadiid Ay Ka Gubeen

Buurxakaba(ANN)Warbaahinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa soo bandhigtay sawirrada khasaare ay sheegeen inay gaadhsiiyeen ciidamada Xabashida Ethiopia ee ku sugan gudaha Somalia, waxayna sheegeen in dagaal culus oo Todobaadkii hore 24-kii shacbaan ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba uu sababay in khasaare xooggan loogu geysto ciidanka Ethiopia.

Bayaan ku qornaa luqadaha Englishka iyo carabiga oo kasoo baxay xafiiska Warfaafinta Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in ciidanka Ethiopia dagaalkaa lagaga dilay in kabadan 60 askari, islamarkaana gaadiid dagaal iyo mid xamuul ah lagaga gubay.


Al-shabaab waxay ku sheegtay Bayaankaa in ciidamada Mujaahidiinta ee taabacsan Katiibada Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr oo ahaa Amiirkii Al-shabaab ee lagu dilay duqaynta Maraykanka weerar jidgooyo ah ka filiyeen deegaanka Jameeco, halkaas oo sida ay shaacsiay Al-shabaab uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay, isla markaana si xun loogu jebiyay Ciidanka Ethiopia, iyadoo sida ay sheegeen Al-shabaab 13 gaadhi oo isugu jira kuwa dagaalka iyo xamuulka lagaga gubay ciidanka Ethiopia halkaa, iyadoo mid ka mid ah gaadiidkaa ay kaxaysteen Al-shabaab, balse ma sheegin Al-shabaab khasaaraha kasoo gaadhay dagaalka dhankooda.

Muuqaalo ka mid ah Gaadiidka oo gubanaya, maydadka askarta Ethiopia iyo Hub iyo saanad ay sheegeen in laga furtay oo lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ka daawo halkan qaybo ka mid ah sawiraa.


Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post