Araweelo News Network

alshabab
Muqdisho (ANN)- Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarro kala duwan is-xigay oo ay ka kala fuliyeen gobollada Gedo ee koonfurta Soomaaliya iyo Woqooyi-bari ee dalka Kenya saacadihii la soo dhaafay ku dileen askar ka tirsanaa ciidammada Kenya.
Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa baahisay shalay, in meelaha ay weerarrada ka geysteen ka mid yihiin degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo dagaalyahannadoodu qarax miino loo adeegsaday oo ay gebi ahaanba ku gubeen baabuur millatariga Kenya wateen gelinkii dambe ee maalinta Arbacada.
Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegay in weerar kale oo xoogagoodu ka fuliyeen meel u dhow degmada Gaarisa ee Gobolka Woqooyi-bari, Kenya ku dileen askar badan oo Kenyaan ah habeennimadii Khamiista.
Waxa kaloo ay sheegeen inay qarax miino dhulka hoostiisa lagu aasay la beegsadeen kolonyo ciidammada dawladda Kenya ah oo marayey degaan lagu magacaabo Galmagaalo oo ka tirsan Gobolka Woqooyi-bari ee dalkaas, weerarkaasna kaga dileen shan askari oo saarnaa baabuur gaashaan nooca loo yaqaan BEEBEE-ga oo miinadu baab’isay.
Dhinaca kale, illaa hadda ma jiro wax war ah oo millatariga Kenya ka soo saareen sheegashooyinka Al-shabaab ee ku saabsan weerarrada khasaaraha kala duwan loogu geystay ciidankooda.
Xoogagga Al-shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyey sii kordhiyey weerarrada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan degaannada Gobolka Woqooyi-bari oo ku yaal xuduudka dadkaasi dalkaasi la wadaago waddanka colaaduhu ragaadiyeen ee Soomaaliya.