X
    Categories: Warar

Al-shabaab oo soo Bandhigay Muuqaalka Askari u Dhashay Uganda oo Gacantooda ku Jira

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)- Kooxda Al-shabaab, ayaa markii ugu horreysay soo bandhigay muuqaalka askari u dhashay dalka Uganda oo ka tirsanaa ciidammada AMISOM ee ku sugan waddanka Soomaaliya, kaas oo gacantooda ku jiray tan iyo sannadkii hore.

Qaybta warfaafinta u qaabilsan Al-shabaab ayaa lagu baahiyey muuqaalka askariga ciidanka AMISOM ka mid ahaa oo ay sheegeen inay ku qafaasheen weerar xooggan oo dagaalyahannadoodu ku qaadeen saldhig saldhig ciidammada Uganda ku lahaayeen degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose badhtamihii sannadkii 2015.
Askariga oo magaciisa ku sheegay Masassa M.Y, waxa uu xaqjjiiyey inuu maxbuus u yahay Al-shabaab tan iyo wixii ka dambeeyey weeerarkii lagu qaaday ciidammada uu ka tirsanaa ee degaanka Jannaaale muddo haatan laga joogo sannad iyo dheeraad.

Waxa kaloo uu sheegay inuu ciidammada Uganda ka mid noqday sannadkii 2009, isla markaana waddanka Soomaaliya la geeyey wax yar ka hor weerarkii lagu qafaashay ee xoogagga Al-shabaab ku qaadeen degaanka Jannaale oo ay hadda maamulaan.
la heyste Masassa M.Y waxa uu ka dalbaday dawladda dalkiisa oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Yweri Musaveni iyo shacabka reer Uganda in ay gacan ka geystaan sii deyntiisa oo uu xusay in Al-shabaab shuruud uga dhigeen in ciidammada Uganda ka baxaan waddanka Soomaaliya.
Inta la ogyahay in ka badan 50 askari oo ciidammada Uganda ka tirsanaa ayaa ku dhintay weerar qorshaysnaa oo dagaalyahannada Al-shabaab ku qaadeen xero ciidankaasi ku lahaayeen Jannaale bishii July ee sannadkii hore, halka ay ku qafaasheen askar oo aan tiradooda la caddayn uu ka mid yahay askariga hadda ay soo bandhigeen.
Sarkaal u hadlay millatariga Uganda ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya, ayaa ku hanjabay inay bilaabi doonaan duullaanno ay ku doonayaan inay ku soo furtaan askartooda ku jira gacanta xoogagga Al-shabaab.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post