X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Si Khasab Ah Ku Askaraynaya Dhallinyarada Kenya

araweelo News Network

Taliyaha ciidammada KDF, Jeneraale Samson Mwathethe


Nairobi (ANN)- Taliska ciidammada millatariga Kenya ee KDF, ayaa ku dhawaaqay in kooxda Al-shabaab si qasab ah ku askareeyaan dhallinyarada dalkooda si ay ugu dagaallamaan, gaar ahaan da’yarta ku nool gobolka xeebta.
Taliyaha ciidammada KDF Jeneraale Samson Mwathethe oo warbaahinta kula hadlay degaanka Jila Ganze ee Degmada Kwale shalay, ayaa sheegay in guud ahaan dhallinyarada reer Kenya aanay haatan jecleyn inay ku biiraan Al-shabaab, balse kooxdaasi ku qasbayso inay ugu dagaallamaan, isagoo ugu bulshada inay ka feejignaadaan arrintaas oo uu ku tilmaamay mid khatar weyn ku ah ammaanka dalkooda.
“Kenya waa dal ka mid ah dalalka caalamka ee haatan wajahaya weerarrada argagixiso, waana waajib saaran dhammaan bulshada Kenyaanka inay feejignaadaan, hay’adaha ammaankana u sheegaan cid kastoo ay ka shakiyaan,” ayuu yidhi taliyaha ciidammada KDF Jeneraale Samson Mwathethe.
Sidoo kale, ciidanka booliska Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab toogteen nin dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Subira Sudi Mwangole oo ku sugnaa tuulada Shamu ee gobolka xeebta bishii May ee sannadkan 2016, kaas oo ay xuseen inuu hore uga tirsanaa dagaalyahannadooda.
Ninkaas ayey bilaysku xuseen inuu xoogagga Al-shabaab ka baxsaday bishii February ee sannadkan, sidaa daraadeedna u khaarajiyeen.
Waxa kaloo boolisku xaqiijiyeen in saddex qof oo kale midkood ahaa oday tuulo kooxda Al-shabaab ku dileen degaanka Ukunda oo ka tirsan degmada Kwale ee gobolka xeebta bishii May.
Guddoomiyaha Degmada Kwale Mr. Kutswa Olaka, ayaa isaguna sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab toogasho ku dileen Juma Mwanyota oo ahaa guddoomiye tuulo, Xasan Mwasanite iyo Maxamed Mwanguze, kadib markii ciidammada boolisku hawlgallo sugidda ammaanka ah ka fuliyeen degaannadaas.
Mr. Mwathethe waxa uu intaa ku daray in dawladda Kenya ku dhiirran tahay ugaadhsiga dagaalyahannada Al-shabaab iyo taageerayaashooda ku sugan degaannada gobolka xeebta.
Weerarro is-xigxigay oo tiro badan tan ayaa ka dhacay magaalooyin kala duwan oo ku yaal Kenya tan iyo markii ciidammada dalkaasi galeen gudaha waddanka Soomaaliya sannadkii 2011.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post