X
    Categories: Warar

Al-shabaab oo Sheegtay inay Gacanta ku Dhigeen Diyaarad Drone ah Kamarado ku Rakiban Yihiin

Araweelo News Network

Kismaayo (ANN)Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan DRONE-ka oo ay ku rakiban yihiin kamaradaha wax lagu basaaso oo Maraykanku leeyahay, taasoo ku dhacday degaan 45km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose gelinkii dambe ee maalintii Sabtida.

Dawladda Mareykanka ayaan illaa hadda ka hadal diyaaraddooda nooca basaasidda ee Al-shabaab sheegteen inay gacantooda ku jiro, iyagoo inta badan ciidammada Ameerikaanku duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyaan degaannada dagaalyahannada kooxdaasi maamulaan ee ku yaal badhtamaha iyo koonfurta waddanka colaaduhu naafeeyeen ee Soomaaliya.
War xoogagga Al-shabaab ku baahiyeen barahooda internet-ka shalay ayey ku sheegeen in diyaaradda DARONE-ku soo dhacday xilli ay hawlagallo basaasid ah ka wadday degaannada Gobolka Jubbada Hoose ee ay ka taliyaan.
Waxa kaloo Al-shabaab xuseen inay diyaaradda kamaraduhu ku rakiban yihiin u qaadeen goob ammaan ah.
Dhanka kale, shacabka ku dhaqan degaanka diyaaraddani ku dhacday oo lagu magacaabo Qudus ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in aan burbur culus gaadhin Drone-ka Maraykanka ee u gacan-gashay Al-shabaab.

Ciidammada dalka Mreykanka ayaa saldhigyo qarsoodiya ku leh qaar ka mid ah degaannada waddanka Soomaaliya, kuwaasoo fuliya duqaymo inta badan lala beegsado fadhiisimada dagaalyahannada Al-shabaab ku leeyihiin gudaha dalkaas, mana aha markii u horaysay ee diyaaradaha wax basaasa ee Drone kusoo dhacdo deegaamo ka mid ah Koonfurta Somalia, gaar ahaan meelaha Al-shabaab maamusho, waxayna marar baddan hore u qabteen Al-shabaab Diyaarado Drone ah oo sida gantaalihii ay ridi lahaayeen iyo kuwo ay Kamarado ku rakiban yihiin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post