X
    Categories: Warar

Al-shabaab oo Sheegtay in ay Dileen Sarkaal Ciidammada Mareykanka ka Tirsanaa

Araweelo News Network


Kismaayo(ANN) War ka soo baxay kooxda Al-shabaab, ayaa lagu sheegay inay dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka kamaandowska dalka Maraykanka oo qayb ka ahaa weerar ciidammo huwan ah ku qaadeen saldhigyo dagaalyahannadoodu ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya habeennimadii Salaasada.
Ciidammo isugu jira Maraykan, Kenyaan iyo millatariga Soomaaliya ayaa weerar qorshaysnaa la beegsaday fadhiisimo Al-shabaab ku leeyihiin degaanka Cabdalla-Biroole ee ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
War qoraal ah oo lagu baahiyey warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab shalay, ayaa lagu xusay in dagaalyahannadoodu dileen sarkaal ka tirsanaa ciidammada gaarka u tababaran ee Mareykanka oo qayb ka ahaa weerar ciidan ajnebi u badan la beegsadeen xeryahooda ku yaal duleedka Kismaayo.
Hase ahaatee, illaa hadda ma jiraan wax war ah ka soo baxay dawladaha Maraykanka iyo Soomaaliya oo xaqiijinaya amma beeninaya sheegashada Al-shabaab ee la xidhiidha dilka sarkaalka Ameerikaanka ah.
Dhanka kale, kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay xoogagooda u suurtogashay in ay muddo saacado ah la wareegaan inta badan xaafadaha degaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii ay weerar culus oo khasaare nafeed sababay ku qaadeen xeryaha ciidammada AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya ku leeyihiin degaankaas saqdii dhexe ee habeenkii Khamiista.
Boqolaal dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarro la beegsaday saldhigyada millatari ee ciidanka AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ee ku yaal Lafoole, halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal xooggan oo aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin baaxadda khasaaraha ka dhashay.
Saraakiisha Al-shabaab oo la hadlay warbaahinta taageerta shalay, ayaa sheegtay inay khasaare ballaadhan gaadhsiiyeen ciidammada ku sugan Lafoole, kana qabsadeen hub iyo saanad ciidan oo fara badan, sidoo kalena dagaalyahannadoodu saacado gacanta ku hayeen inta badan xaafadaha kala duwan ee magaaladaas.
Sidoo kale, dadka degaanka ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalku muddo saacado ah socday, kana dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaadhay dhinacyada dagaallamay.
Masuuliyiinta ciidanka dawladda Soomaaliya ayaa dhankooda xaqiijiyey in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay dad shacab ah khudbad uga jeediyeen masjid ku yaal degaanka Lafoole salaaddii subax ee shalay kadib, isla markaana u sheegeen in maamulkoodu dib u soo laaban doono degaannadaas waqti dhow.
Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay inay qabsadaan saldhigyada ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ku lahaayeen halka loo yaqaan Shanta Golaha Sare illaa Cusbitaalka Xaawa Cabdi ee degaanka Lafoole, halkaasna ka qaateen hub, rasaas iyo saanad millatari fara badan ciidankaasi lahaayeen.
Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya iyo maamulka degaanka Lafoole ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin weerarrada Al-shabaab ku qaadeen fadhiisimada ciidankooda ee duleedka Muqdisho.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post