X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Sheegtay In Ay Ciidamadda Uganda Ka Dileen 59 Askari Kadib Weerrar Ay Ku Qaadeen Saldhiga Buula-madheedh

Araweelo News Network

 

Buula-Madheedh(ANN)-Taliska ciidamadda Xarakada Al-shabaab,   ayaa ka hadlay weerrar ay barqadii maanta ku qaadeen Saldhig ciidamadda AMISOM ee Uganda ku lahaayeen deegaanka Buula-madheedh ee Shabeelada Hoose.

 

Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka Ciidamadda Al-Shabaab, ayaa  warbaahinta u xaqiijiyay in ay weerrarkaa ku dileen 59 askari, Isla markaana ay xoog ku galeen, iyagoo adeegsaday qaraxyo loo adeegsaday baabuur iyo weerrar wada socda.

 

Afhayeenka Al-shabaab wuxuu sheegay in 14 dagaalyahan laga dilay dhinacooda, isagoo yidhi,  “59 Askari oo Yugaadhiis ah ayaa dilay, anagana weerrarka waxa nagaga dhintay Buula-madheedh 14 Mujaahid oo nagaga Shahiidday” ayuu yidhi Abuu Muscab.

Wuxuu intaa ku daray in ciidamadoodu ay weerareen illaa 6 saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamadda shisheeyaha ee AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda.

Abuu Muscab, waxa kale oo uu sheegay inweerrarka koowaad oo ahaa ka ugu xoogga badnaa  ka dhacay saldhigga AMISOM ee Buula-madheedh, waxaana xigay weerar istish-haadi ah oo lala helay kolonyo gaadiid ah oo kasoo gurmanayay deegaanka Golweyne, kuwaas oo sida uu sheegay Abuu Muscab lala beegsaday Gaadhi laga soo buuxiyay waxyabaha qarxa, isagoo ku dooday in dhawr gaadhi oo kolanyadaa ah lagu gubay qaraxaa.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerrar madaafiic ah lagu qaaday saldhigga ciidamadda AMISOM ee deegaanka Qoryooleey iyo laba saldhig oo ku yaal deegaannada Danoow iyo Maryan Gubaay, weerraradaa oo sida uu sheegay sababay in ciidamada AMISOM ay awoodi waayaan Inay u gurmadaan ciidamadooda lagu xasuuqayay degmada Buula-madheedh.

Deegaanka Buula-madheedh, ayaa Al-shabaab hore looga saaray, wuxuuna weerrarkan noqonaya kii labaad ee wixii ka danbeeyay weerrarkii Al-shabaab ku qaadeen Janaale 2015 ugu khasaaraha badnaa, iyadoo xiligaa Askarta Uganda lagaga dilay 50 askari.

Dhinaca kale xukuumadda soomaaliya iyo Taliska Ciidamadda AMISOM, ayaa weli ka hadlin weerarrarkaa Al-shabaab.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post