X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Sheegatay Weerrar Lagu Hoobtay Oo Ka Dhacay Xeebta Liddo

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Xarakadda Al-shabaab, ayaa sheegaay weerrar khasaare baddan dhaliyay oo xalay lala beegsaday Xeebta Liido. Kadib markii weerrarka oo ahaa mid is qarxin iyo hujuun lagu fuliyay Hotel lagu magcaabo Bech View oo ku yaa halkaa.
Weerrarka, ayaa sababay dhimashada in ku dhow 30 qof iyo dhaawac intaa ka baddan, waxaana lagu soo beegay weerrarka habeenki Jimce, iyadoo maalmaha Sidan oo kale ah boqolaal dadweynaha magaalada iyo madaxda dawladu u dabaal tagaan xeebta Liddo.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al-shabaab, waxay ku sheegatay mas’uuliyadda weerrarka. Sida lagu baahiyiy Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka xarakada Al-shabaab.

“Ciidamo inqimaasiyiin ah oo ka tirsan mujaahidiinta ayaa la wareegay Hoteelka Bech View howlgal culus oo ka dhan ah cadawga allaah ayaana wali socda”ayaa lagu yidhi warka lagasii daayay Idaacadda Andalus saacado ka hor.

Dad ku sugnaa Xeebta LIDDO, xiliga weerrarku dhacay, ayaa sheegay in laba qarax oo daran-doori ah, ay ka dhaceen goobta kadibna waxaa xigay dagaal xooggan oo dhaxmaray ilaalada Hoteelka la beegsaday iyo xoogaga weerarka qaaday.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarada, waxaana si weyn u canbaareeryay Rayasal Wasaaraha Somali Cumar Cabirashiid oo ugu baaqay shacbiga in Mr looga soo wada jeesto sidii loo sugi lahaa amaanka.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehellada dadkii qiimaha badnaa ee naftoodu ku waayey weerarkii argagixiso ee Baar Liido, kuwa dhaawaca ahna waxaan alle uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo”.ayuu yidhi Omar abdirashiid.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ku ammaanay Ciidamadda Ammaanka sida dhiiran ee ay u soo bad-baadiyeen dadkii faraha badnaa ee argagixisadu go’doomiyeen oo ay ku jireen caruurta iyo haweenka.

Dhinaca kale wararka shebekadda Araweelo News Network heshay, ayaa sheegaya in Weriyihii Idaacadda BBC-da Laanteeda Af-soomaaliga ee Muqdisho Maxamed Ibaarahin Macalimow ka mid ahaa dadkii ku dhawacmay xalay weerrarkii Xeebta Liido iyo sidoo kale Laba Guddoomiye oo ah kuwa Degmooyinka Muqdsho. sidoo kale oo dadkii ku dhintay waxa ka mid ahaa Agaasimii Qorshaynta ee Magaalada Muqdisho Marxuum Muqtaar Sh. Ismaaciil iyo dad kale oo baddan.

Al-shabaab, waxay inta badan weerraro sidan oo kale ah ka fulisaa Somalia, waxayna todobaadkii u danbeeyay weerrar xasuuq ah ku qaaday Ciidamadda Kenya ee ku sugan Somalia. Kadib markii ay xero Milaterigu ku lahaayeen Deegaanka Ceel-Cade oo ka tirsan gobolka Geddo ay ku dileen 150 askari, isla markaana qaar ka mid ah Askarta Kenya ka kaxaysteen halkaa.

Warbixin: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post