X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Sheegatay Weerrar Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Muqdisho

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Wararka naga soo gaaraya deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaweyd gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay bar koontorool oo ay joogeen ciidammada ammaanka ee Soomaaliya.

Deegaanka Siinka Dheer oo ku yaal inta u dhaxeysa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalada Afgooye ayaa waxaa lagu baadhaa dadka iyo gaadiidka soo galaya magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah, ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaadhay ciidammada bartaa koontarool ku sugnaa.

War lagu qoray barta Twitterka ee hay’adda sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hal askari uu halkaasi ku dhintay mid kalana uu ku dhaawacmay islama markaana ay fashiliyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerrarkaas, waxayna sheegeen in ku dhawaad 10 Askari oo katirsan ciidanka dowladda Federaalka lagu dilay Weerrarkaa.
War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in gaadhi uu kaxaynayay istish-haadi uu ku qarxay saldhig ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad katirsan kuwa loo yaqaan Alpha Group gaar ahaan qeybta ‘Waran’ kuwaasi oo maalma ka hor la dajiyay deegaanka Siinka dheer.

Al Shabaab waxay sheegtay in Maleeshiyaadka la beegsaday oo Mareykanku soo tababaray ay dhibaata daran ku hayeen shacabka Rayidka ah gaar ahaan dadka sunadu ka muuqato ayna ahaayeen maleeshiyaad islaam ladirir ah.

Warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in weerarka istish-haadiga ah ee lagu beegsaday saldhigga Siinka dheer uu u dhacay sidoo loo qorsheeyay, Ciidamada lagu magacaabo ‘Waran’ ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo raaf ah ka fulinayay deegaanada dhaca duleedka magaalada Muqdisho waxayna xabsiga ku gureen boqolaal qof shacab ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post