Araweelo News Network

qaraxmuqdisho1Mogadishu(ANN)Wararka naga soo gaaraya deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaweyd gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay bar koontorool oo ay joogeen ciidammada ammaanka ee Soomaaliya.

Deegaanka Siinka Dheer oo ku yaal inta u dhaxeysa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalada Afgooye ayaa waxaa lagu baadhaa dadka iyo gaadiidka soo galaya magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah, ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaadhay ciidammada bartaa koontarool ku sugnaa.

War lagu qoray barta Twitterka ee hay’adda sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hal askari uu halkaasi ku dhintay mid kalana uu ku dhaawacmay islama markaana ay fashiliyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerrarkaas, waxayna sheegeen in ku dhawaad 10 Askari oo katirsan ciidanka dowladda Federaalka lagu dilay Weerrarkaa.
War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in gaadhi uu kaxaynayay istish-haadi uu ku qarxay saldhig ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad katirsan kuwa loo yaqaan Alpha Group gaar ahaan qeybta ‘Waran’ kuwaasi oo maalma ka hor la dajiyay deegaanka Siinka dheer.

Al Shabaab waxay sheegtay in Maleeshiyaadka la beegsaday oo Mareykanku soo tababaray ay dhibaata daran ku hayeen shacabka Rayidka ah gaar ahaan dadka sunadu ka muuqato ayna ahaayeen maleeshiyaad islaam ladirir ah.

Warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in weerarka istish-haadiga ah ee lagu beegsaday saldhigga Siinka dheer uu u dhacay sidoo loo qorsheeyay, Ciidamada lagu magacaabo ‘Waran’ ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo raaf ah ka fulinayay deegaanada dhaca duleedka magaalada Muqdisho waxayna xabsiga ku gureen boqolaal qof shacab ah.