X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Sheegatay Weerar Lagu Khaarajiyay Wakiilkii DP.World Ee Boosaaso

Boosaaso(ANN)-Al-shabaab, ayaa sheegatay masuuliyada weerar lagu khaarajiyay Wakiilkii shirkadda DP.World ee Boosaaso Paul Anthony Formosa , kadib markii uu booqday suuq kalluunka ah oo ku yaal halkaa.

Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Boosaaso Yuusuf Maxamed, ayaa sheegay Wakiilka DP.World uu geeriyooday markii cusbitaalka loola caray, iyadoo sida uu sheegay ay weerarkaa fuliyeen laba Nin oo Kalluumaysato iska soo dhigay, kuwaas oo dhaawacay saddex ka mid ah ilaalada Madaxii Fulinta dekeda Boosaaso ee DP.World.

Saraakiisha Booliska, ayaa sheegay in labada Nin ee weerarka fuliyay mid isla goobta lagu dilay, halka ka kalena ay sheegeen in gacanta lagu dhigay, balse waxa jira warar sheegaya in ay goobta ka baxsadeen.

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay millateriga Al-shabaab  Cabdicasiis Abu Musab, ayaa u sheegay Radio Andalus  inay ka danbeeyeen weerarkaa, wuxuuna sheegay inay hore ugu digeen shirkaddo uu sheegay inay si sharcidaro ah u booyayaan khayraadka Soomaaliya.

Dp.World, ayaa la wareegtay dekadda magaalada Boosaaso sannadkii 2007, waxayna heshiis ay gacanta ku haynayso dekedda soddon sannadood la saxeexatay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, iyadoo dadka deegaanka oo diidanaa xilligaa, isla markaana cadho ka muujiyay iyo rabshado ka dhacay sababeen ugu yaraan dhimashada hal qof xiligaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post