X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Sheegatay Qaraxyo Ka Dhacay Gaalkacayo Iyo Dhuusamareeb Oo Khasaare Dhaliyay


Dhuusamareeb(ANN)-Mahad Bidaar oo ah Taliye ku xigeenka ilaalada Madaxtooyadda Galmudug ee maamul goboleedka Soomaaliya, ayaa ku dhaawacmay qarax lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Askarta iyo saraakiisha dowladda.


Al Shabaab oo sheegatay qaraxa maanta lala beegsaday saraakiisha iyo qaraxyo kale oo lala beegsaday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, kuwaas oo saacadihii lasoo dhaafay lagu qaday xarumo ay degan yihiin muumul goboleedyada Mudug iyo Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Qaraxa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb oo maanta duhurkii ka dhacay goob ay ku sugnaayeen saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka, waxa masuuliyadiisa sheegatay Al-shabaab, waxayna war rasmi ah oo ay soo saareen ku sheegeen in laba sarkaal ay ku dhaawacmeen qaraxa Dhuusamareeb.

Dhinaca kale qaraxa xalay ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo, ayaa lala beegsaday Jeneraal Cabdi Xamiid Maxamed Dirir oo ah Taliyaha ciidamadda lugta dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu warbaahinta maxaliga ah u sheegay Taliye, Dirir, in isaga iyo Taliyaha Guutada 21aad ay si dirqi kaga badbaadeen qaraxaa oo ka dhacay dhinaca Koonfurta ee magaalada xalay xilli ay marayeen Koonfurta Gaalkacayo oo ay kasoo baxeen Hoteelka Five Star.

Saraakkaa, ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in dhawr ka mid ah askarta Ilaalada khasaare kasoo gaadhay, isagoo xusay in Afar askari ay kaga dhinteen qaraxa halka kuwa kale oo dhaawacyo soo gaadheen xaaladooda caafimaad aad uliidato, wuxuuna cambaareeyay weerrarkaa oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al Shabaab.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post