X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Sheegatay Qaraxyo Iyo Weeraro khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Kenya Iyo Muqdisho

Araweelo News Network

Muuqaalka Askarta kenya ee weerarku qabsaday


Hargeysa(ANN)- Xarakada Al-shabaab, ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax xooggan oo khasaare dhaliyay, kaasoo maanta gelinkii dambe ka dhacay goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo oo aan ka fogayn dekedda Magaalada Muqdsiho.

Al Shabaab waxay sheegtay in Nin Natii Hure ah oo watay gaadhi walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu beegsaday goob lagu kulmo oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka iyo melleteriga dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Al-shabaab, waxay sheegtay in weerar qarax Miino ah oo lala beegsaday askar Kanyan ah guddaha dalkaa.

Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidanka Al-shabaab oo la hadlay idaacadda Andalus oo ka mid ah waraabhinta taageerta, ayaa sheegay in qarax miino ay laheleen kolonyo gaadiid ah oo ku socday duleedka Libooya.

Abuu Muscab Afhayeenka Ciidanka Al-shabaab, .wuxuu sheegay in qaraxu haleelay gaadhi Kooyal ah oo ay la socdeen saraakiisha Ciidanka, isla markaana ay ku dileen halkaa 5 sarkaal iyo Askar , sidoo kale wuxuu sheegay in ay ay gaadiid ka gubeen ciidanka.

“Qarax Mujaahidiintu saraakiil ka tirsan gaalada Kenya kula beegsadeen deegaan ka tirsan Gobolka Gaarisa waxaa ku halaagsamay ugu yaraan 5 Sarkaal gaadhigii ay la socdeena waa burburay,” sidaa waxaa yidhi Sheekh Abuu Muscab.

Xukuumadda Kenya, ayaan weli ka hadlin sheegashada Al-shabaab iyo khasaaraha soo gaadhay Ciidankooda.

Weerarada Al-shaabab ee magaalada Muqdisho iyo gudaha dalka Kenya , ayaa sii kordhay muddooyinkii u danbeeyay, waxayna sii kordhayaan weeraradu, iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay kasoo baxayeen dhawaaqyo lagu sheegayo in ay Al-shaabab cagta marinayaan oo laga safaynayo gudaha Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post