X
    Categories: Warar

Al-Shabaab Oo Sheegatay Qarax Lagu Dilay Taliyihii Booliska Gal-mudug Ee Gaalkacayo

Gaalkacayo(ANN)-Weerar Qarax ah, ayaa lagu dilay Taliyihi Booliska ee dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacayo ee Soomaaliya, Gaashaanle Cawil Nuur Rooble, maanta u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo qaraxaa oo gaadhigiisa loogu xidhay.

Sarkaalka lagu dilay oo ahaa Taliyaha Booliska maamulka Gal-mudug ee Koonfurta Gaalkacayo,  waxa masuuliyada qaraxa lagu khaarajiyay sheegatay xarada Al-shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada nabad-ilaalinta  ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada muqdisho iyo dawladda Federaalka ah.

Dhinaca kale Guddoomiyaha maamulka Gal-Mudug,  ayaa ka hadlay qaraxa lala beegsaday sarkaalkaa, wuxuuna dilka taliyihaa ku sifeeyay mid argagaxiso.

Al-shabaab, ayaa inta badan weerarro, qaraxyo iyo dilal qorshaysan ka fulisa Soomaaliya, waxayna inta weerarradaa ka fuliyaan xurumaha lagu ilaaliyo Hay’addaha Dawladda Federaalka ee Magaalada Muqdisho oo ay joogaan kumanaan ciidamada Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Balse Xarakada Al- Shabaab, ayaa mudooyinkii u danbeeyay weerarrada ay inta badan ka fuin jireen Magaalada Muqdisho, waxay kusoo kordhiyeen weearro khasaare nafeed geystay ka fuliyaan magaalada Gaalkacyo oo u kala qaybsan maamulada Gal-mudug iyo Puntland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post