Araweelo News Network
Goob joogayaal ayaa sheegay in gaadhiga oo ahaa nooca Kaarib ah oo uu watay sarkaalka lala beegsaday Qaraxa, isla markaana uu ku qarxay isgoyska Maana-booliyo ee degmada Shibis.
Qaraxa ayaa burburiyay qeyb ka mid ah gaadhiga waxaana isla goobta ku dhintay sarkaalka iyo laba askari oo ilaala u ahaa.
sidaana waxa lagu sheegay War rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Xarakada Al-shabaab oo ay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay sarkaalka.
Al- Shabaab waxay sheegtay in sarkaalkan la dilay uu tababar kusoo qaatay wadanka imaaraadka Carabta, islamarkaana uu ku jiray liiska saraakiisha sida aadka ah ay u doon doonayeen ciidamada Mujaahidiinta qeybta ka howlgasha gobolka Banaadir sida ay sheegeen.
Warka kasoo baxay xarakada Al -Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxii maanta ka dhacay isgoyska Maana-Booliyo lagu xaqiijiyay hadafkii laga lahaa, iyagoo sabab uga dhigay sida ay sheegtay Al-shabaab in dowladda Imaaraadka Carabta ee uu u shaqeynayay sarkaaka la khaarijiyay ay faragelin dhan walba ah ku haysa dalka Soomaaliya.
Dawlada Imaaraadka, ayaan wax war ah kasoo saarin sheegashada Al-shabaab ku sheegteen in qaraxaa lagu dilay Sarkaal u shaqaynayay Safaaradooda Muqdisho.