X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Sheegatay Masuuliyada Weerar Lagu Khaarajiyay Taliye Ku Xigeenka Booliska Puntland

Araweelo News Network

Boosaaso(ANN)- Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in rag hubeysan oo ka irsan Xarakada Al Shabaab ay toogasho ku dileen Taliye ku xigeenkii Booliska Maamul goboleedka Puntland G/lle Jaamac Saxaradiid. Kadib markii koox hubaysan ku toogatay afaafka hore ee gurigiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in maanta barqadii la toogtay Gaashaanlle Saxaradiid oo illaa iyo hadda aan la ogeyn xaaladda uu ku suganyahay nolol iyo geeri, balse loo badinayo in uu geeriyooday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in taliye ku xigeenka la weeraray uu u dhintay dhaawac soo gaadhay halka warar kale ay sheegayaan in xaaladdiisa oo aan wanaagsanayn lagula tacaalayo Cusbitaal melleteri.

Maamulka Puntland, ayaa weli ka hadlin dilka Taliyaha, balse War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda Weerarka Gaashaanlle Saxaradiid sida ay baahisay idaacadda Islaamiga Andalus.

Al Shabaab waxay sheegtay in sarkaalka la beegsaday uu ku lug lahaa raaf ka dhan ah shacabka muslimiinta ee ku dhaqan magaalooyinka uu ka taliyo maamulka Puntland isku magacaabay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post