Araweelo News Network

gaashaanlejaamacBoosaaso(ANN)- Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in rag hubeysan oo ka irsan Xarakada Al Shabaab ay toogasho ku dileen Taliye ku xigeenkii Booliska Maamul goboleedka Puntland G/lle Jaamac Saxaradiid. Kadib markii koox hubaysan ku toogatay afaafka hore ee gurigiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in maanta barqadii la toogtay Gaashaanlle Saxaradiid oo illaa iyo hadda aan la ogeyn xaaladda uu ku suganyahay nolol iyo geeri, balse loo badinayo in uu geeriyooday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in taliye ku xigeenka la weeraray uu u dhintay dhaawac soo gaadhay halka warar kale ay sheegayaan in xaaladdiisa oo aan wanaagsanayn lagula tacaalayo Cusbitaal melleteri.

Maamulka Puntland, ayaa weli ka hadlin dilka Taliyaha, balse War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda Weerarka Gaashaanlle Saxaradiid sida ay baahisay idaacadda Islaamiga Andalus.

Al Shabaab waxay sheegtay in sarkaalka la beegsaday uu ku lug lahaa raaf ka dhan ah shacabka muslimiinta ee ku dhaqan magaalooyinka uu ka taliyo maamulka Puntland isku magacaabay.