X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Sheegatay Inay Guul Ka Gaadheen Dagaalka Gal-guduud Kadibna Ciidamadda Ethiopia Ku Khasbeen Inay Ka Baxaan Deegaanka Waxbo

Gal-guduud(ANN)Wararka ka imanaya deegaanka Waxbo oo ka tirsan gobolka Gal-guduud, ayaa sheegaya inay Ciidamada Ethiopia iskaga baxeen halkaa. kadib markii dagaalo qadhaadh ay jilbaha is dhigeen ciidamada Al-shabaab ee dagaalka kula jiray deegaankaa.

Deegaanka Gal-guduud waxa muddooyinkii u danbeeyay ka socday dagaalo teel-teel ah oo u dhexeeyay Al-shabaab iyo Ciidamada Ethiopia oo ku sugan meelo ka mid ah deegaankaa oo ay saldhigyo ku leeyihiin, balse dagaal qadhaadh oo maanta ka dhacay duleedka waxbo. kadib markii Ciidamada ethiopia oo doonayay inay uga baxaan halkaa deegaanka Maxaas, balse malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa u galay jidgooyo, taas oo sababtay dagaal saacado baddan socday oo aan khasaarihiisa la ogayn.

Hase yeeshee Sheekh Xasan yacquub oo ah Wakiilka al-shabaab ee walaayadda Gal-guduud ayaa u sheegay Idaacadda Al-shabaab ee Andalus inay guul ka gaadheen dagaalka, isla markaana ay Ciidamada Ethiopia isaga baxeen deegaanka Waxbo. kadib markii sida uu sheegay lagu jebiyay dagaalkaa, isla markaana go’doomin dheer oo ay ku hayeen deegaankaa ay sii xamili kari waayeen ciidamada ethiopia.
Ciidamada Ethiopia, ayaan wax war ah kasoo saarin dhinacooda dagaalka iyo sida ay wax uga jiraan inay ka baxeen deegaankaa sida ay sheegatay Al-shabaab.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post