X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Sheegatay In Ciidamada Kenya Ay Ka Dileen Ku Dhowaad 40 Askari Gaadiidna Ka Gibeen

Gaarrisa(ANN)Afhayeenka Ciidanka Al-shabaab Sh. Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa faahfaahin ka bixiyay weeraro kala duwan oo ciidankoodu khasaare ku gaadhsiiyeen Ciidanka Kenya gudaha dalkaa, gaar ahaan Deegaanka Yunbi ee Magaalada Gaarisa.
Abu Muscab, wuxuu sheegay in Miino loo dhigay wadada Duleedka Gaarisa ay la kacday gaadhi ay saarnaayeen ciidanka Kenya, taas oo sida uu sheegay sababtay khasaare balaadhan, isla markaana askartii la socotay gaadhigaa wixii ka badbaaday baxsadeen, balse sida uu sheegay Afar gaadhi oo usoo gurmaday oo Booliska Kenya ah ay goobtaa ku gubeen kadib markii ay Ciidankoodu jilbaha u dhigteen, taas oo sida uu sheegay sababtay khasaare balaadhan oo gaadhay Ciidanka Kenya, isagoo xusay in Afarta gaadhi ee gurmadka ahaa iyo gaadhiga markii hore Miinadu la kacday goobta lagu gubay oo ciidankoodu dul istaageen maydadka ilaa 40 isugu jira Askar iyo Saraakiil Ciidanka Kenya ah oo goobtaa ku dhintay, isla markaana wixii hub iyo saanad ay siteen Ciidanka Kenya ay la wareegeen Ciidankooda Al-shabaab.
Ma jiro wax war ah oo ay Ciidamada Kenya kasoo saareen sheegashada weerarka Al-shabaab, balse sarkàal la hadlay BBC qaybta luqada ingiriisida, ayaa warkaa ku tilmaamay borabagaando, wuxuuna xusay in hal sarkaal looga dhaawacay weerarka Al-shabaab.

Marar baddan ayay Al-shabaab weeraro sidan oo kale uga fulisay gudaha Kenya, kuwaas si weyn u dhaacay amaanka dalka Kenya.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post